Oodweyne(Saxilnews) Iyadoo ay manta ku beegnayd 7 /bisha 4 aad oo ahayd maalinta loo aqoonsaday maalinta nadaafada Somaliland ayaa shacabweynaha ku dhaqan magaalada oodweyne ee xarunta gobolka daadmadheedh si wayn isugu soo baxeen si loo dhaqan galiyo wareegtadii uu hore soo saaray wasiirka arimaha Gudaha waxayna dadweynaha magaalada odweyne oo ay horkacayaan maamulka gobolka iyo ka degmadu si wayn unadiifiyeen goobaha uu yaalo qashinku ee xaafadaha magaalada ,waxa sidoo kale iyaguna ololahan saaka si wayn uga qaybqaadanayay dhamaanba laamaha wasaarada ururada bulshada ciidamada booliiska , iyo bulshada qaybaheeda kala duwan
Masuuliyiin tira badan oo ay ka mid ahaayeen gudoomiye ku xigeenka gobolka daadmadheedh Maxamuud Cali Axmed (Jubba)iyo ,duqa degmada oodweyne Cabdixakiin Nuur Muuse oo goobahaasi bulshada kala hadlay ayaa ku dheeradaayay ololahan iyo ahmiyada uu u leeyahay bulsha iyo guud ahaan magaalada Oodweyneba iyagoo masuuliyiintani xusay inay joogtayn doonan ololaha nadaafada maalin kasta oo arbaca ah.
Ugu danbayntii oloalan nadaafa ee manta ayaa hadii uu sii socdo noqon doona mid wax wayn ka badala bilicda iyo caafimaadka bulshadaba.
Saxilnews.com
Oodweyne/Office