Waad salaamantihiin dhamaantuin

0
23

Golaha Guurtidu Gurmad buu
Inooga Baahanyahay Q2aad
W.Q Kaptanka

Maanta oo ah 6 April waxay ku beegantahay maalintii la aas aasay SNM iyadoo dalka Suadi Arabia lagu aas aasay lakiin 1981  lagaga dhawaaqay magaalada London ee dalka ingiriiska.dadkii ku dhawaaqayna waxa maanta Hargeisa ka jooga muj Maxamed Xaashi iyo muj Xasan Ciise Jama waanan salamayaa labada mujaahid ilaahay cimriga iyo caafimaadkaba haw barakeeyo. Anigoo ka faa,idaysanaya fursadan waxaan leeyahay ilahay naxariistii jano hawgu deeqo dhamaan mujaahidiintii SNM ee geeriyootay.

Hadaan usoo noqdo dulucdaydii golaha guurtida J. Somaliland waxa maanta isugu hadhay dad waayeela oo runtii ubaahan in hoos loo eego lagana fikiro sidii loo nasin lahaa  loona daryeeli lahaa waayo maanta iyagaa jilicsan oo u baahan in loo gargaaro waxaynu ognahay  maanta in golahii guurtida wax dhaxal ku yimi iyo dad waawayni isugu hadheen oo qaarkood iskaba xanuunsanayaan.

Hadaba golaha guurtida oo qayb wayn kulahaa nidaamka dowladnimo ee aynu samaysanay isla mar ahaantana si wayn ugasoo shaqeeyey nabadayntii dalka xasiloonida oo illaa maanta colaadkasta oo meel ka bilaabanta ay hormood ka yihiin dajinteeda oo aanku amaanayo hadana waxaa loo baahan yahay inay la jaanqaadan nidaamka cusub ee asxaabta badan oo maanta golayaasha qaranka oo dhan lagu yimaado hab doorashooyin sida golaha wakiilada oo food ku yimaada ama golayaasha deegaanka oo yaguna shacabku soo doortaan iyo waliba madaxweynaha qaranka iyo ku xigeenkiisa oo doorasho ku yimaada.

Waxaa inagu waajib ah in aan u gurmano golaha guurtida oo doorasho loogu tartamo ka mid noqoshada golaha guurtida halkii dhaxal lagu iman lahaa si markaa waxii tartami karaayaana calafkiisa uga qaado kii talax gabayna uu  ka mid noqdo dadka hawlgabka ee loo qoro gunooyin madaama ay dalka muddo badan usoo shaqeeyeen.

Waa inaan is waafajinaa nidaamka waddanku  ku dhaqmayo maanta iyo golaha guurtida maaha inaan ka dhigano gole marka loo baahdo loo isticmaalo muddo kordhin waayo shuruucda dalka utaala meela kagama qorra in madaxweyne kasta oo doorashada qaban waayo si uu hadhow guurtida uga dhigto Tuulkii loo isticmaali lahaa muddo kordhin qayrul sharciya. Dalkeena dib u dhacwayn ayay ku tahay muddo kordhin laga dhigtay wax lagu ficiltamo. Madaxweyne Siilaanyana waan ogayn siduu uga cabaadi jiray mudo kordhintii Rayaale loo sameeyay. Maantana isaga dabada ka riixaya in muddo kordhin loo sameeyo.

Ugu danbayntii aniga waxay ila tahay in meesha laga saaro guurtida illaa iyo inta ay meesha doorasho ku imanayaan waa in lasoo doorta gole badala golaha maanta hadii kale waligeen ka ilbixi mayno mudo kordhin loo sameeyo madaxweyne kasta oo faashila oo ku guuldaraysta inuu doorasho qabto.

Allaah mahad leh
Abdiqani Salaf (Kaptanka)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here