HARGAYSA (Saxilnews.com)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu xafiiskiisa ku qaabiley maanta o ay taariikhdu ahayd 01/02/2015, safiirka Talyaaniga u fadhiya Kenya una qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Fabrizzio Marzella oo markii ugu horaysay Somaliland socdaal ku yimid.
Kulankan oo ahaa mid saacado qaatay ayuu madaxweynuhu xogwaran ka siiyey Safiirka xaalada guud ee dalka iyo ta mandaqadaba, geeskaba, isaga oo madaxweynuhu faah-faahin dheer ka bixiyey horumarka ay somaliland ku talaabsatay 23 kii sanno ee ka soo wareegay la soo noqoshada madaxbanaanideeda.
ugu danbayntiina waxa uu madaxweynuhu safiirka guudoonsiiyey khariirada Somaliland iyo buugaag ka waramaysa xaaladihii kala duwanaa ee ay somaliland ka soo gudubtay.
intaasi ka dibna waxa saxaafada si wada jira ula hadlay wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibeda Somaliland iyo Safiirka Talyaaniga ka socday.
Naasir Yuusuf Daahir (Nasir Naska)