Madaxweyne Siilaanyo oo Isku Shaandhayn ku Samaynaya Gollihiisa Wasiirada

0
20

Hargaysa (Saxilnews.com) -Seefta Madaxweynaha ayaa la Fillayaa in ay Qaadato Wasiiro, Agaasimayaal iyo Hay’adaha Madaxbaan ee Dawlada.

Hargeysa (Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siiilaanyo) Ayaa la Fillayaa in uu Isku Shaandhayn ku sameeyo Golihiisa Wasiirada.

Ilowareedyo lagu Kalsoon yahay  ayaa Tilmaamaya in uu Madaxweynuhu waddo Qorshayaasi ah in uu isku Shaandheeyo Dawladiisa, Waxaana La Filayaa in Todobaadkan aynu ku jirno ay Soo Baxdo isku Shaandhayntaasi oo Saamayendoonta Golaha Wasiirada, Agaasimayaasha iyo Hay’ada Madaxbaan ee Dawlada.

Wararka aanu helayno ee Arrintaasi ku saabsan Waxay intaasi ku darayaan in Ujeedadii Safarkii Madaxweynuhu ay salka ku haysay Sidii uu ula socon lahaa Xaalada Deeganada kala duwan ee Somaliland iyo Waxqabadka Xukuumadii, waxana la sheegay in  Deegano badan oo Madaxweynuhu Booqday ay ka Cawdeen Wasiirada uu u Magacaabay oo ay sheegen in aanay waxba u qabban.

Waxa kale oo Jirta in Wali Madaxweynaha Somaliland ay Hortaalo Cabashadii gollaha Dhaqanka ee Gobolada Awdal, Salal, kuwaasi oo ka Cabanayey Saami Qaybsiga Xukumadiisa oo ay Tilmaameen in aanay Wixii ay Xaqa u laahaayeen aanay wali hayn, cabashadaasi hore ee ay Madaxweynaha u soo gudbiyeen Golaha Dhaqanka Goboladaasi ayaa waxa sii Xoojiyey Mid ka mid ah Qodobadii Tobanka ahaa ee laga soo Saaray Shirkii beelaha gada-buursi oo ay Madaxweynaha ka Codsadeen in uu Fuliyo Cabashadooda sida ugu Dhakhsaha Baddan, waxana la sheegayaa in Arrimaha ugu waaweyn ee keenaya isku Shaandhayntu ay ka mid tahay Cabashadaasi Reer Awdal.

Wararka Qaar ayaa sheegaya in Seefta Madaxweynuhu ay la Taagidoonto Qaar ka mid ah Wasiirada ugu Tunka Weyn, kuwaasi oo la Tilmaamayo in uu ku Badalidoono Siyaasiyiin Saaxada siyaasada  ku cusub iyo waliba Siyaasiyiin uu Xisbiyada Mucaaridka ka soo Kaxaysto.

Madaxweynaha ayaa la Fillayaa in uu Xukumadiisa ku Soo kordhiyo Wasiiro dawlayaal iyo Wasiiro ku-xigeeno loo sameyndoono wasaaradaha aanay lahayn Xilalkaasi, iyada oo la sheegayo in lagu qancindoono Xilalkaasi Cusub Qaar ka mid ah beelaha Somaliland oo Saluugsan Saamiyada ay ku leeyihiin Xukumada.

Si Kasta ha ahaateen Mudada Xukumada Madaxweyne Siilaanyo u hadhay ayaa ka yar Shan Billood.

HARGAYSA// Ofiice
 berbera2002@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here