Madaxweynaha Somaliya Oo Ka Soo Laabtey Safar Uu Ku Joogay Dalka Sucuudiga , Faahfaahina Ka Bixiyey Balan Qaadyo Uu Dalkaasi Ka Helay +Sawiro

0
17

Moqdisho (Saxil news):- Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajoiyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay magaalada Moqdisho ka dib booqasho rasmi ah oo uu ku tagey dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Madaxweyne Farmaajo oo halkaasi si heer sare ah loogu soo dhaweeyay ayaa la kulmay boqor Salmaan Bin Cabdicasiis iyo labadiisa dhaxal-suge isaga oo ka codsaday in ay dowladda Soomaaliya ka taageeraan dhinacyada horumarinta, kaabayaasha dhaqaalaha, qaadista xayiraadda ganacsiga xoolaha iyo gurmadka abaaraha.

 

Madaxweynaha oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in dhammaan codsiyadii ay u bandhigeen dowladda Sucuudiga laga aqbalay, isaga oo intaas raaciyay in Ra’iisul Wasaaraha magacaaban, looga fadhiyo marka la ansixiyo ka dib, inuu dhiso guddiyadii dhaqan-gelin lahaa qodobada la isla meel dhigay.

Image may contain: 1 person, sitting

Image may contain: 4 people, people standing

Ilaysnews/Moqdisho Desk

Info@Ilaysnews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here