Saxilnews.com
Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Gacan Seydhay Dalab Uu U Fidiyey Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Iyo Ujeedka Uu Ka Lahaa Dalabkaas
February 25, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa(Saxilnews):- Madaxweynaha dawladda Somaliya Md.Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo

maalmahii ugu dambeeyey socdaal ku joogay boqortooyada Sucuudiga, ayaa ku gacan-seydhay dalab uga yimi wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md.Maxamuud Xaashi Cabdi oo ujeedkiisu daarnaa siddii ay wada-hadal uga sameyn lahaayeen arrinta saldhiga Milatari ee Imaaraadku ka sameysanaayo magaalada Berbera oo la sheegay in ay dacwad ka gudbinayaan madaxda dawladda dalkaas Somaliya.

Image may contain: 2 people, people standing

 

Ma jiraan warar ka soo baxay dhanka wasiirka Madaxtooyada Somaliland, balse sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay noo xaqiijiyeen, ayaa sheegaya madaxweynaha dalkaas Somaliya oo socdaal ku joogay dalka Sucuudiga uu ku gacan-seydhay kulan uu ka soo dalbaday wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo isna markaa ku sugnaa magaalada Dubai , balse markii uu madaxweyne Farmaajo ka gows adeygay kulankaasi, ayaa uu wasiirka Madaxtooyada Somaliland na uu si deg-dag ah ugu dhoofay Sucuudiga si uu halkaas ugu qabto isla mar ahaantaana uu kulan aan qorsheysneyn oo doc ka weerar ah kula kulmo Madaxweynaha dalkaasi Somaliya, haseyeeshee waxa ay wararku sheegeen in aanu kulankaasi ka suurto-gelin dhanka Madaxweynaha Somaliya.

Dalabka Maxamuud Xaashi ee la kulanka Madaxweyne Farmaajo, ayey wararku sheegayaan in uu daarnaa siddii uu wada xaajoog uga la sameyn lahaa arrinta saldhiga Imaaraadka ee Berbera oo la sheegay in ay dacwad ka gudbinayaan iyo weli ba sida oo kale siddii heshiis qarsoodi ah oo khuseeya dhanka saldhiga uu uga la hadli lahaa Madaxweyne Farmaajo.

Maxamuud Xaashi iyo wasiiro uu hoggaaminaayey oo ku sugnaa Dubai , ayaa hada uu Maxamuud Xaashi ku sugan yahay boqortooyada Sucuudiga isaga oo diyaarad deg-dag ah u raacay dalkaasi si uu halkaas ugu la kulmo Madaxweyne Farmaajo balse aanay u suurto-gelin.

Dhinca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa isagu ka soo anba baxay dalka Sucuudiga isla markaana galabta ka soo degay garoonka diyaaraa ee magaalada Moqdisho

COMMENTS
Latest News