MADAXWEYNAHA SOMALILAND OO MAANTA XADHIGA KA JARAY XAFADA CUSUB EE SHEEKH SANCAANI

0
26

Hargaysa (Saxilnews.com)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo Ayaa Waxaa  Uu Maanta Si Rasmi Ah Xadhiga Uga Jaray Xafada Cusub Ee Sheekh Sancaani Oo Laga Hir Galiyey Dhinca Koonfureed Ee Magaalada Hargaysa.

Munaasibad Baaldhan Oo Loo qabtay Xadhig Ka Jiristaas Ayaa Waxaa Ka Soo Qeyb Galay Wasiiro Xildhibaano Madax-dhaqameed Haayadaha Gacanta Xoogan Ka Geestay Mashruucan Mayarka Caasimada Hargaysa Iyo Ded Weyne Fara Badan

Ugu Horena Waxaa Munaasibadaasi Ka Hadalay Gudoomiyaha Xafada Sheekh Sancaani  Cumar Aadan Caraale Waxana Uu Ka Warbxiyey Marxaladiihi Kala Duwanaa Ee Uu Mashruucani Soo Maray Isgoona Madaxweynaha


U Soo Bandhigay Baahiyo Xoogan Oo Ay Xafadaasi Qabto Waxaana Uu Yidhi ““Mudane Madaxweyne Ku Soo Dhawoow Xadhig  Jarka Xafada Cusub Ee Sheekh Sancaani Marka Ugu Horeysana Ilaahay Baa Mahad  Iska Leh Oo Inoo Suurto Galiyey In Aynu Maanta Halkan Iskugu Nimaadno  Intaas Ka Dib Waxaan Halkan Aan Mahad  Balaadhan Uga Jeedinaya Dadweynaha Rer Jaban Oo Yagu Bixiyey Ama Ku Deeqay Lacagta Lagu Dhisay Gurayahan Yagoo Soo Marinaya Hayada  UN-Habitat .

Mashuurcaani Waxaa Uu Ka Kooban Yahay 350 Guri Iyo Agabkoodi Dhamaan Waxaan Si Wada Jir Ah Ugu Mahad Celinayaa  Dhamaan Hayaadihii Ka Qeyb Qaatey Mashruucan Waxana Jecelahay In Madaxweyne  Aad Wax Nagala Qabto Baahida Xaafdan Oo Aan Soo Koobi Kareen Balse Aan Kaaga Sheegi Karo Uun In Ay Ugu Mihiim San Yahiin Wadada Xafdan Isku Xidha Magaalada Oo Dhan 2 Km In Aad Noo Dhisto , In Aad Noo Hir Galiso Sariibad Baldhaan Oo Maagaladu Ma Laha Sariibad, In Aad Noo Dhisto Dugsi Sare Oo Xafaduna Ma Laha Isna “ Ayuu Yidhi Gudoomiyaha Xafada Sheikh Sancaani OO Madashaasi Ka Hadlay.

Sidoo Kale Suldaanka  Cumar Suldan Maxamed Suldan Faarax Oo Isna Ka Mid Ahaa Masuulyintii Madasha Ka Hadlay Ayaa Waxaa Uu Yidhi  “ Marka Hore Waxaan Salamayaa Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud ,Wasiirada ,Xildhibaanada ,Haayada Inla Fadhiya Meesha Iyo Dadweynahaba.

Dhaaman Cid Kasta Oo Ka Soo Shaqeysay Danyartan Guryahooda Iyo Daryeelkooda Aad Iyo Aadna Waxaan Ugu Sii Mahad Naqayaa Mayarka Hargaysa Oo Nasiibku Iminka LaKulmiyey Iyo Mayaradii Hore Ee Ka Horeyeyba.

Aad Iyo Aad Bey U  Mahadsan Yahiin Cidii Ka Soo Shaqeysay Barnaamijkan Oo Wasaarada Wax Barshadu Ugu Horeyso Dhalinyaradii Fikirkan Keentayna Waan U Mahad Naqayaa” Ayuu Ku  Soo Koobay Hadalkiisi Suldaanka Guud Ee Beelaha Arab Suldan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faraax .

Dhinaca Kale Wasiirka Wasaarada Dib U Dijinta  Axmed Cabdi Kaahin Oo  Isna Munaasibadaasi ka Hadlay Ayaa Waxaa Uu Ka Sheekeyey Marxaladihii Kala Duwanaa Ee Uu Mashruucani Soo Maray  Waxana Uu Yidhi  “Waxaan  Dadweynaha U Sheegaya Aniga Oo U Mahad Naqaya Hayaadihii Nalagala  Qeyb Qaatay  Mashruucan In Aan Halkan Oo Qudha Waxba Laga Dhiseyn Balse Gobalada Somaliland Oo Dhan Laga Dhisaayo Siyaasadaasina Ay Tahay Siyaasadii Uu Madaxweynuhu Noo Dhigay Ee Uu Yidhi Danyarta Wax Ha Loo Qabto Waxaan Idiin Leeyahay Kuwa Bari Toole Idiin Odhanaya Waxba Dawladu May Dhisin Waxaad Ku Tidhaahdan Beenalayaal.

Hayada WFP Waxay Balan  Qaaden In Ay  Wadada Xafadan U Dhisaan Iyo In Ay  Raashinka Siyaan Xaafdan Ee Taasna Ogaaada Jidkii Dhibaatadu Ka Jirtayna Waa Laydiin Dhisayaa Ee Taasna Ogaada” Ayuu Ku Soo Koobay Hadalkisi Wasiirka Wasaarada Dib U Dejinta Somaliland Axmed Cabdi Kaahin Oo Munaasibadaasi Ka Hadlay .

Ugu Danbeyntiii Madaxweynaha Somaliland Oo Munaasibadasi Ka hadlay Soona Afmeeray Xaflda Ayaa Waxaa Uu Sheegay In Ay Aad Uga War Heyn Doonan Dadka Danyarta Ah Isla Markaana Ay Ku Daadali Doonan Ka Xukuumad Ahaan In Ay Ka Soo Baxaan Wajibka Ay Ku Leeyahiin Dadka Danyarta Ahi  Waxaana Uu Yidhi  “Dadweynaha Halkan Isugu Yimid Ee Qiimaha Iyo Qaayaha Leh Aad Iyo Aad Baan Idiinka Mahad Naqayaa Sida Wacan Ee Dhaqanka Idiin Ah Ee Aad Noo Soo Dhaweyseen  Waxaan Leeyahay Halkan Aynu Joogno Ee Aynu Ugu Dabaal Degano Isla Markaana Aynu Dajineyno Dadkii Qaxoontiga Ahaa Oo Aynu Dooneyno  In Meel Fiican Iyo Wax Wanaagsan Ku Nooladaan Waxaana Weeye In Aynu U Mahad Naqano Dawladihii Iyo Hayaadahii Ka Qeyb Galay Aad Iyo Aadna Waan Ugu Mahad Naqayaa.

Waxaan Idiin Cadeynayaa In Hadii Aynu Nahay Xukuumada Somaliland  In Aanu Diyaar U Nahay Oo Qeyb Libaax Leh Ka Qaadan Doono Waxii Dadka Dantiisa Ah Umdaas Qaxoontiga Ah Waajibka Naga Saaran Aanu Ka Soo Baxano” Ayuu Ku Soo Koobey Hadalkiisii Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo).

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here