Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo iyo weftigii balaadhnaa ee uu hogaaminaayey ee u safray Imaaraadka Carabta Laguna Soo Dhaweeyey

0
29

Dubai (Saxil News.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo iyo weftigii balaadhnaa ee uu hogaaminaayey ee u safray Imaaraadka Carabta ayaa qadar saacado ah ku sii nastay Qolka VIP-da ee Garoonka Adis-ababa Ethiopia, waxaana halkaasi madaxweynaha iyo weftigiisa lagaga qaaday diyaarad khaasa oo uu u soo diray Boqorka Imaaraadka carabtu.

Capture.PNG205

 

Weftiga Madaxweynaha oo martiqaad rasmi ah ka helay imaaraadka carabta ayaa markii ay  halkaasi gaadheen weftigii madaxweynuhu waxa si diiran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha iyadoo ay kaga horyimaadeen Masuuliyiin badan oo ay ka mid ahaayeen   madax sarsare, waxaana weftiga madaxweynaha loo gelbiyey halkii loogu talogalay in la dejiyo iyada oo dhamaan wadooyinku ahaayeen kuwo amaankooda la sugay laguna gelbinaayey madaxweynaha baabuurta gaarka ah ee madaxweyneyaasha loogu talogalay iyo ciidamadii amniga sugaayey oo hareero socday weftiga.

 

waxaana la filayaa in madaxweynaha iyo weftigiisu ay saacadaha soo socda la kulmidoonaan boqorka Imaaraadka Carabta oo martiqaadka u fidiyey madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, iyaga oo ka wada hadli doona arrimaha labada dal ka dhexeeya iyo arrimo dhawra oo kor u qaadidoona xidhiidhka labada dal.

https://youtu.be/aPUR1zKMAcE

 

Saxil News.com

CaptureBerbera2002@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here