Saxilnews.com
Maxaad Ka Ogtahay Xidhiidhka Ka Dhaxeeya Axmed Cabdiraxmaan Hello Iyo Daahir Casalow ?
June 7, 2015 - Written by admin

Axmed Cabdiraxmaan Xirsi  Hello oo kamida Suxufiyiinta ka hawl gasha HCTV ahna Mulkiilaha Wargeyska lagu Magacaabo SAHAN  ayaa waxaa mudo badan lagu waday baadhitaan  ka dib markii laga shakiyey inuu sirta siiyo kooxo cadow ku ah Somaliland  islamarkaan safaro toosa iyo kuwo qarsoodiyaba ku tagay  somaliya lana kulmay qaar kamida madaxda dalkaasi isagoo siiyey xogo badan oo ku saabsan Somaliland.

Heello ayaa saaxiib dhaw la ah ninka  lagu magacaabo Daahir Calasow isagu ah Mulkiilaha Waagacusub  inta badana uu la sameeyo xidhiidho kala duwan ,  heello ayaa ah isha daahir calasow uu ka qaato sir Shirkada Caalamigaa ee Dahabshiil  taasoo uu marar badan  daahir calasow ka qoray qoraalo badan oo boro bagaando ah kuna cadaayanaynaayo  sumcada shirkada Dahabshiil iyo Somaliland , xogo dhawaan la iftiimiyey ayaa cadeeyey inuu heelo si toos u ah siiyo daahir calasow sirta  shirkada dahabshiil kuna siiyo qoraalo emilo uu diro sidoo kale qaarkood uu ku siiyo dhanka xidhiidhka facebook iyo taleefoonkaba, Axmed Cabdiraxmaan Heello oo shaqaale ka ahaa Shirkada Dahabshiil  waxay arintaasi dhaxal siiyey ka dib markii maamulka sare ee dahabshiil ogaadeen  in shaqadii uu ka hayey shirkadaasi gabi ahaanba laga caydhiyo lagana caydhiyey.

Bixinta sirtu uu bixiyo hello kuma koobna oo keliya ta dahabshiil se wuxuu bixiyey kumanaan ducment oo  uu leeyahay qaranka Somaliland isagoo lacago kaga soo qaata qaar kamida madaxda somaliya uu kula kulmey Muqdisho, Boosaaso iyo Baroowe, wuxuu balan qaaday inuu waxkasta oo ku sabsan qaranimada Somaliland  siyaasada somaliand uu si toos ah  ugu soo gudbinaayo taa bedelkeedana ay siiyaan lacago xadi badan  wallow hada la siiyey

xooga horumaris ah se waxaa loo balan qaaday lacago badan,  isla sidoo kale  wuxuu heello dhawaan ku biiray  Sirdoonka Somaliya oo ay ka wada tirsan yihiin Daahir Calasow ka dib markii sahqadaasi rufyaanimada   usoo dhameeyey Daahir Casalow.

Sidoo kale Axmed Cabdiraxmaan Xirsi oo inta badan iska dhaadhiciya Madaxda Somaliland waxaa dhawaan soo shaac baxday inuu xidhiidh la sameeyey masuuliyiinta ugu sareeya Kooxda lagu magacaabo khaatumo ee kasoo hor jeeda qaranimada Somaliland, masuuliyiintaasi oo ku sugan qurbaha gaar ahaan wadamada maraykanka ayaa qaarkood waxay isku arkeen caasimada somaliya ee mudqidsho halkaasina kulan ku dhex maray   isagoo ku dooday inuu kasoo jeedo Deegaanka qorilugud islamarkaana uu soo qaatay mashruuca dagaalka hada ka socda bariga qorilugud iyagoo isku afgartay inuu colaadaasi sii huriyo si Somaliland looga guulaysto.

Si kastaba ha ahaatee   ninkan hello oo dadku u yaqaanin somalilander ayaa isagu bara dhaafiyey cadowgii Somaliland islamarkaana ah Wakiilka cadowga Somaliland ,sidaa aynu horeba usoo sheegnayna ah nin ka tirsan sirdoonka somaliya, wuxuu qaranka Somaliland ku yahay dhabar jab dawlada Somaliland waxaa looga baahan yahay inay arintaasi si deg deg ah wax uga  qabato.

Ali Jamac Farax

Alijamacfarax@gmail.comhhhh

COMMENTS
Latest News