MADAXWEYNAHA DAWLAD DEEGAANKA SOOMAALIDA ITOOBIYA OO KA HADLAY MAXAABIIS LA SII DAAYEY

0
13

Jigjiga(saxilnews.com):-Madaxweynaha dawlad deegaanka soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ka hadlay cafis loo fidiyey qaar ka mid ah maxaabiistii ku xidhnaa jeelasha dawlad deegaanka.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay in talaabadani ay tahay mid ay dawlad deegaanku sanad kasta samayso, isaga oo sharaxaad ka bixiyey qaybaha ay iskugu jiraan maxaabiista la sii daayey, waxaanu yidhi “Maxaabiistu waxay iskugu jiraan qaar gaadhay xiligii la cafinayey oo shuruudihii buuxiyey, kuwa faylalkoodii laga xidhay iyo qaar ku jiray ururada nabad diidka ah, waxaana kuwa nabad diidka ah laga yaabaa inay u baahan yihiin in shaqo abuur loo sameeyo oo la baro farsamooyin ay ku shaqaystaan, Waxa

laga yaabaa in qofku hada uu garan waayo meel uu ku hagaago inuu qofku noolaadana wuu u baahan yahay waxaana loo  raadinayaa wixii uu ku shaqaysan lahaa iyada oo dayn loo raadinayo.”ayuu yidhi madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar oo u waramay BBC-da.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Cafiskana sanad kasta waanu cafinaa, waxa weeye taas iyo tan aanu hada samaynay wax isku xidhiidhsan maaha, tani waa mid ku xidhan oo sanad kasta la sameeyo xataa kuwa nabad diidka ah inta la cafiyo la sii dayn maayo balse shaqo abuur ayaa loogu darayaa si aanay ugu noqon, xirfad ayaana la bari diin ayaana la siin, waxaana la barayaa sida uu noloshiisa ugu filnaan lahaa.”

Ugu dambayn madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa hadalkiisa ku soo xidhay “Tani waa mid deegaanka soomaalidu ay mar kasta samaynayeen, tusaale ahaan ururada nabad diidka ah qaar ka mid ah marka la qabto waanu cafin jirnay dibna waa laga cafin doonaa oo waa nidaam lagu shaqaynayey.”

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here