Saxilnews.com
MADAXWEYNE MUUSE BIIXI OO KULAN KU QAABILAY XUBNAHA URURKII UFO OO MUDO 36 SANO AH AAN IS ARAG+SAWIRO
February 23, 2018 - Written by editor

Hargeysa(saxilnews.com):-Madaxweynaha jamhuuriyada somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta qado sharaf ku maamuusay aqoonyahanadii iyo xubnihii ururka Ufo ee qaybta ka ahaa halgankii lagu xoreeyey wadanka somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa kulankan ugu tala galay inay isku xog waraystaan inta ka joogta aqoonyahanadii ururka Ufo, waxaanu soo bandhigay muhiimada ay leedahay inay kulmaan xubno ku suntan halgankii loo galay qaranka.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlaya  xubnaha uu maamuusay ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Raga halkan ka jooga badankooda 90% ama dil ayaa lagu xukumay ama

xabsi daayin ayaa lagu xukumay,waxaana nasiib wanaag ah intan oo nooli inay isku yimaadaan oo ay meelo fog fog ka yimaadaan, ilaahay ayaana mahad leh maantana iyaga oo nool oo odayaal ah ayey isku yimaadeen, sawirkana maantuna waa mid qaran, qoladayadii aan xabsiyada galin ee meelahaas wax iskaga difaacayeyna waa noo faan.”

Madaxweyne Muuse Biixi oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Cidina dalka idiinkama lexejeclo badna cidina idinkama waaya aragsana inta aad garanaysaana inyar ayaa garanaysa dadka waxaanse idiin sheegayaa in dadka maanta nool ee dalka ka taliya ee qaar wasiirada yihiin ee qaar 40 jirka ah intooda badan Ufo Iyo hebel waa kku dhag maqal waayo 40-kaas sanadood dadka waxba maynaan barin wixii dhacayna umaynaan sheegin oo maskaxdoodu ma qaadi karto, marka aad Ufo tidhaahdo waxay ku odhanayaan horta barigii ma dawlada ayaa xidhay, markaa waxaynu u baahanahay in taariikhda la fidiyo dadkana inta nool wax la baro, idinkana waxaanu idiin aqoonsanahay geesiyaal qaran taladiinana waanu u baahanahay.”

Sidoo kale Maxamuud Sheekh Xasan Taani Iyo Cabdi  Ismaaciil Yoonis Duse oo iyaguna ka hadlay martiqaadka uu madaxweynuhu u fidiyey ayaa ka mahad celiyey kulankan, waxaanay sheegeen inay garab taagaan yihiin madaxweynaha isla markaana ay ku garab taagan yihiin horu marinta dalka.

 

 

COMMENTS
Latest News