Maayarka Magaalada Burco Oo Ka Hadlay Xildhibaanadii Shalay Ku Dhawaaqay Inay Xilkii Ka Qaadeen Doortayna Maayar Iyo Ku Xigeen Cusub

0
26

Maayarka magaalada burco Maxamed Yusuf Cabdiraxmaan Muraad ayaa ka hadlay xildhibaano shalay ku dhawaqay inay xilkii ka qaadeen isla markana doortay maayar cusub iyo ku xigeenkiisii.

Waxaana uu maayar Muraad arinkani ku tilmaamay inay xildhibaanada ku mucaaradka ahi ay riyoonayaan isaga oona sheegay inay sharci darro tahay arinkaasi isla markaana aanay jirin wax xil ka qaadis ah oo ay xildhibaanadu ku sameeyeen .

Waxaana maayar muraaad oo arinkani ka hadlay ayaa waxa uu yidhi.

“Waxaan isleeyahay arinkaasi waxa uu mutaystay in lagu qoslo uun, waxaana ay iiila muuqaataa in odayaashu waxii ay wadeen, hawshii iyo kaambaynkii markii uu u suuroobi waayay inay tahay xamaarasho uun, markaa waxaan isleeyahay xildhibaanadu way ku cadho burburayaan oo iyaguba way garanayaan inaanay talaabadani sax ahayn laakiin raga waaa wayni inay ilaa xadkaa salalaan maaha, mana jiro wax xil ka qadis ah oo laygu sameeyey xil ka qadistuna wax sidaas ah maaha odayaasha waan u ogol nahay inay ku cadho burburaan”Sidaas ayuu yidhi Maayar Muraad.

Dhanka kale maayar muuraad mar aan wax ka waydiinay sababta ugu wayn ee khilaafkoodu ka dhashay waxa uu yahay ayaa waxa uu ku jawaabay.

“Hor anigu maan waydiiinoo maan odhn khilaafkiinu muxuu ka dhashay laakiin sida lawada ogsoon yahay wa nala soo wada doortoo horumar ayaa naloo soo doortay waxaana u malaynyaa inuu ka dhasahy suuqa la yidhaa laynka booliska iyo dusgigii siyaad agagaarkaas Ayaan dawalada iyo madaxwaynaha waydiisanay inaan ka dhisno suuq ganacsi markaas waxaa u malaynayaa khilaafka ugu badan inuu halkaas iyo qaabkii loo maarayn lahaa ka dhashay uun”Sidaas ayuu maayar Muraad yidhi.

SI kasteba ha ahaatee waxa mudooyinkii u danbeeyey cirka isku si shareerayay khilaafka xoogan ee u dhaxeeya xildhibaanada golaha deegaanka degmada burco iyada oo maalintii shalayna ay xildhibaano tiro ahaan ah 11 xildhibaan oo ah xldhibaanada ku kacsan maayarka ay ku dhawaaqeen maayar iyo ku xigeen cusub oo hagi doona, waxaa wakhti xaadirka magaalada burco ay leedahay laba maayar iyada oo aan la garanayn halka uu sal dhigan doono khilaafkaasi, waxaana uu maayar muraad arinkani kaga hadlay waraysi oo na siiyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here