MAAYARKA CAASIMADA SOMALILAND AYAA MANTA HADAL KA JEEDIYEY MASAAJIDKA CALI MATAAN EE HARGAYSA

0
26

Hargeysa(Saxil News.com ):- Maayarka Caasimadda Hargeysa  Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko, ayaa maanta  Salaaddii jimce khudbad ka jeediyey masaajidka Cali Mataan ee badhtamaha magaaladda Hargeysa, kaas oo uu kaga hadlayey dhalinyaradda habeenkii rabshadaha sameeya.

Maayarka ayaa waalidka dhalay ciyaalkaasi ugu baaqay inay caruurtooodda ka war hayaan,isla markaana waalid walba ogaado halka uu ku maqan yahay iyo halka uu joogo.

Maayarka caasimadda ayaa maanta masaajidka Cali Mataan salaaddiii jimce kala qaybgallay dadweynaha muslimiinta ah ee ku tukadda, waxaanu dadweynaha  caasimadda Hargeysa ugu baaqay inay amniga ilaashadaan, isla markaana la shaqeeya hay’adaha amniga, isagoo ku baaqay in waalidku caruurtoodda dhibaatadda ku haya dadweynaha caasimadda wax ka qabtaan, waxaanu  yidhi “Waxaan ugu baaqaya waalidka dhalay

caruurta habeenkii dhibaataddda u geysta dadka iyo hablahoodda waa inay wax ka qabtaan, waayo cidda ay wax u geysanayaan waa hablahooddii iyo dadkii ay la dhasheen, marka waa in waalid waliba ilmihiisa ogyahay halka uu joogo iyo halka uu ku maqan yahay, waa in waalidka iyo ciidamadda amaanku wada shaqeeyaa, maaha waalidku in marka ilmihiisa dadka dhibayey la qabto uuu soo hor booddo oo uu yidhaa ilmahaygu wax dambi ah ma galin, haddii waalidku caruurtiisa wax ka qaban waayo waa loo edbinaya”ayuu yidhi Maayar Solteko oo waalidiinta magaaladda Hargeysa ku boorinaya inay caruurtoodda xakameeyaa .

Sidoo kale, Maayar Soltelko waxa uu dadweynaha ugu baaqay inay la shaqeeyaa Dab-damiska wakhtiyadda ay guryaha gubanaya u gurmanayaan.

Si kastaba ha ahaatee, Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ayaa ku dheeraaday in waalidku wax ka qabto dhalinyaraddaasi rabshadaha habeenkii ka sameeya caasimadda.

 

Saxilnews// Hargaysa // Office

berbera2002@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here