Saxilnews.com
Maxaad Ka Taqaan Taariikhda Magaaladda Berbera QAYBTA1AAD
February 20, 2015 - Written by admin

Berbera (Saxil News.com)-

Sooyaalka Taariikhda magaalada Berbera ( waa qayb kamida kaydka sooyaalka Taariikhda Berbera ee uu diyaariyey ururka cilmi baadhista Somaliland ee SURE) Magaalada Berbera waxa loo yaqaanay waayadii hore Malao, magacan waxa Berbera u yaqaanay ganacsatadii hore ee Greecs-ka iyo Romans kii.

 

Markaynu eegno magaca Berbera oo buugaagta qaar qorayaan in la maqlay markii ugu horaysay qarnigii 15-naad dhamaadkiisii, halka uu ka yimi, waxa jirtay in qorayaashii carbeed u yaqaaneen xeebta soomaalidu degto xeebtii Barbarka. Sidaa daraadeed dadbadan ayaa aaminsan in magaca Berbera uu kasoo unkamay halkaas, waxana loo badinayaa in dadkii Carbeed ee xeebaha Soomaalida u yaqaanay (xeebtii Barbarka) ay magacanna bixiyeen.

Hase ahaatee waxa jira aragtiyo kale oo meelo kale aaminsan inuu magacani ka yimi. Si kastaba ha ahaatee, waxan la wada soconaa inuu magaca Berbera noqday magac tisqaaday oo guud ahaanba dunida laga yaqaano, astaana u ah guud ahaan xeebaha soomalidu degto gaar ahaana Somaliland.

Waxa xusid mudan in 1888-kii magaalada Berbera dab qabsaday, isagoo baabiiyey guud ahaan magaalada, waxana dabkaas ka bad baaday dhawr guri iyo masaajid, sidoo kale waxa uu wax yeelay dad badan. Berbera waxay kamid tahay magaalooyinkii ugu horeeyey ee ka hirgala xeebaha Somaliland. Waxana jira dhismayaal ay kasameeyeen dadkii ka ganacsan jiray magaalsda, sida kuwii

Turkigu ka dhisay oo ay ka mid ahaayeen masaajido iyo guryo caadiya intaba, kuwaas oo ilaa maanta la manaafacaad sado. Magaalooyinka Saylac, Bullaxaar, Laasqoray, Xiis iyo maydh ayaa iyaguna kamida deegaamadii ugu horeeyey ee ka aasaasma xeebaha Somaliland. Ku sinnaan 1842, ayaa nin la odhan jiray Johnston booqasho ku yimi magaalada Berbera.

War bixin uu ka qoray safarkiisa ayaa waxa uu ku sheegay in magaalada Berbera tahay goob ganacsi oo dad badani u iman jireen si ay wax uga gataan. Waxa kaloo uu sheegay in ilaa shankun oo guri ku yaaleen wakhtigaa magaalada. Marka laga reebo dadka Berbera u dhashay ee degenaa, waxa kale oo magaalada kunoolaa Carab Turki Hindi iyo dadyaw kale oo inta badan sababo ganacsi u joogay.

Inta badan dadkii wakhtigaas waxa shaqdoodu ahayd Abbaan, oo xiligaa hayd shaqo aad u heersaraysay, taasoo qof ama koox koox loogu shaqayn jiray dadka ganacsatada ah si looga ilaaliyo inay cidi wax yeelayso. Magaalada Berbera waxay ahayd deked si aada u muhiima, waxana laga dhoofin jiray wax yaalaha ay ka mid ka ahaayeen, xoolaha nool, hargaha, foolka maroodiga, baalka gorayad, subagga iyo waxyaalo kale.

Arrintan ayaa ah ta ka dhigtay magaalada Berbera mid dadku aanay ka maarmin oo meelo aad u fogfog uga yimaadaan si ay xoolaha uga iibiyaan dadka dhoofinaya, isla markaana ay ugu bedeshaan wax yaalaha ay u baahan yihiin sida, cuntooyinka oo ay kamid ahaayeen uguna muhiimsanaayeen timirta, shaaha iyo sonkorta, xaga dharka waxa ka mid ahaa saddex qaydka oo dumarku xidhan jireen iyo goyaasha raga, alaabtaas iyo kuwo kale ayaa waxay ka kala iman jirtay Carabta, Persia iyo Shinaha.

Marka la eego qiyaasta dadka kunoolaa magaalada Berbera qarnigii 19-naad dhamaadkiisii, mr Drake Brockman waxa uu ku qiyaasay ilaa afartan kun oo qof xiliga qaboobaha, iyadoo xiliyada xagaaaga ee inta badan magaaladu kulushahay tirade dadku hoos u dhici jirtay.

Richard Burton oo ahaa Ingiriis ayaa isaguna war bixin uu ka bixiyey magaalada Berbera waxa uu ku sheegay in magaaladu aad u camirmi jirtay xiliga ganacsigu socdo oo ahaa November ilaa bisha April. dhulkani dadka ku noolaa waxay ahaayeen dad noloshoodu isu dheeli tirnayd marka la eego dhinacyo fara badan sida kheyraadka dabiciga ah ee ilaahay ku manaystay, ilbaxnimada guunka ah

 

C/Salaam Xariir Sheekh Cismaan Nuur

Qoraa// Suxufi Ka Tirsan Saxaafada Rug Cadaaga Ah Ee Somaliland

Csx224@yahoo.com

COMMENTS
Latest News