Berbera (SAXILNEWS)_Qoyska Madaxwayne Siilaanyo ayaa Maanta ka Go,aan Gaadhaya Wareejinta Dekeda Kaliya ee Dalku Lahaa Taas oo Lagu Wado uu Maanta Galinka Dabe Faasaxo Madawayne Siilaanyo iyada oo Lagu Wareejiyo Shirka laga Leeyay Waddanka Isu Taga Imaaraadka Carabta. Arintan Wareejinta Dekeda Berbera oo Dhawr Jeer oo hore Laysku Dayay Balse aan Suuro Galin Waxa Hada Soo Bisleyay Soona Dhameeyay Wiilka Qaba Inanta Madaxwayne Siilaanyo Baashe cawil Kaas oo Madaxtooyada U Qaabilsan Dhanka Dilaaka iyo Suuqgaynta Hantida Qaranka Somaliland waxyar ee Kahadhay Waxa ay Ahayd Dhawaan Markii uu Faasaxay Buurta Gacanlibaaxa Qayb Wayn oo Kamida taas oo Wax kaqabashadeeda ay Kufashilmeen Dadka Deegaan Xisbiyada Mucaaridka iyo Qaybaha Kale ee Xukuumaduba. Maxaa Wakhtiga Kusoobeegay in Qoyska Madaxtooyadu Wareejo Dekeda Berbera Waliba Si Degdeg ah ?
Xogta ay Xeeldheerayaasha Wax Odorasaa Siiyiin Shabkada SAXILNEWS Waxa Xiligin Kukalifay Qoyska Reer Siilaanyo Xaraasha Hambadii ugu Danbaysay Hantida Umada Somaliland Laba Arimood iskugu Biiray Wakhtigan Madaxtooyda,
1. Arinta Hore oo Ah Dhaqaale Xumo Xoogle oo Soofood Saaray Sakhsandii Dawlada iyada oo Dhamaadka Sannadkan ay Wali Faaruq Tahay khasnadihii Kaydka Qaranku Kadib Markii ay Amuuro Badani isku Kaashadeen tan ugu Daran ayaa ah Dagaalka Ka Qarxay Yemen oo Sababay in Dhamaanba Ganacsigii hoose oo Somaliland Lalahayd Waddanka Yaman uu burburay iyada oo Xukuumada Somaliland Wayday Ildhqaale oo ay kasoo Xaroon Jireen Dhaliga Dawlada 45%- Waxa iyana khasnada Dawlada Faaruqiyay Masuuliyiinta Xilalka laga Qaaday iyada oo Wasiir Samaale Lasheegay in uu Qasnada Dawlad Kalunsaday 4 Milyan oo Dollar Markii uu Xilka Kasii Tagayay, Halka Wasiir Xirsina uu Dhabarka U Ritay Dhamaan Wixii ay Isaga iyo Qayska Madaxwayne Siilaanyo Meel Wadadhigteen.
2.Arinta Labaad ayaa ah Beesha Caalamka oo Gabi Ahaanba joojisay Dhaqaalihii Cadaanka ahaa ee ay Somaliland ugu Deeqi Jirtay Kadib Markii Doorashooyinkii Dalku Baaqdeen, Sidoo kalana Loo Gudbiyay War Kutidh Kuteen ah oo Laxidhiidha in Xubno Xukuumada Siilaanyo Katirsani ay Maal Galiyaan kooxaha Xagjirka ah ee Sida Alshabaab iyo kuwa lahalmaala.
Labadan Arimood Waxa ay Cidhiidhi Galiyeen Dakhligii Xukuumada Siilaanyo Waxana Qoyska Talada Dalka haya Kusoo Afgo,ay Daymo Tiro Badan, iyaga oo Arintaas Kaqaaday Warwar Wayn uu Mustaqbalkooda Kusaabsan Madama uu Wakhtigu Gurayo Sidoo kalana aanay Filayn Lacag Degdeg u Soogasha, Waana Sababta u Wayn ee ay Maanta Sida Degdega ah Ugu Wareejinayaa Dekeda Berbera. Dhanka kalana Labadii Xisbi Mucaarid ee Dalka Kajiray ayaa Fashilmay kadib Markii ay Kumashquuleen Khilaafaad Daran oo Gudahooda Ka Holcaya, Xisbga Ucid ayaa Labaga Garab u kala Jabay iyaga oo Hadana Maxkamad iskuala Jira, Halka Xisbiga Waddanina uu Kumashuuqlay Khilaaf aan Hore Looga Siitashan oo Kusaabsan Sida uu U Qabsoomayo Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Wadani iyo Muran Xoogle oo Kataagan Cida Noqonaysa Musharaxa Madaxwayne iyo Kan Kuxigeenka ee Xisbiga Waddani Marka Shirka Golaha Dhexe Laqabto Dhawaan. Isku Mashquulka Xisbiyada Mucaaridka ah Dhexdooda ay Usuurogashay in ay Qoyska Dalka Kataliyaa ay Hanbadii ugu Danbaysay ee Hantida Qaranka Xaraashaan Dharaanr Cad iyaga oon Shicib iyo Mucaaridtoona Wax isaga Tirinaynin.
saxilnews005@gmail.com