Laba Arimood oo Qoyska Madaxtooyda Ku Kalifay in ay Xaraashaan Dekeda Berbera oo ahayd Ishii Dhagaale ee ugu Danbaysay ee Gacanta Xukuumada Kujirtay iyo Faashilka iyo Caalwaaga Labada Xisbi Mucaarid

0
15

Berbera (SAXILNEWS)_Qoyska Madaxwayne Siilaanyo ayaa Maanta ka Go,aan Gaadhaya Wareejinta Dekeda Kaliya  ee Dalku Lahaa Taas oo  Lagu Wado uu Maanta Galinka Dabe  Faasaxo Madawayne Siilaanyo iyada  oo Lagu Wareejiyo Shirka  laga Leeyay Waddanka Isu Taga Imaaraadka Carabta.   Arintan Wareejinta Dekeda Berbera oo Dhawr Jeer oo hore Laysku Dayay Balse  aan Suuro Galin Waxa Hada  Soo Bisleyay Soona Dhameeyay  Wiilka  Qaba Inanta  Madaxwayne Siilaanyo  Baashe  cawil  Kaas oo Madaxtooyada U Qaabilsan Dhanka Dilaaka  iyo Suuqgaynta  Hantida Qaranka Somaliland waxyar  ee Kahadhay  Waxa  ay Ahayd Dhawaan  Markii uu Faasaxay  Buurta Gacanlibaaxa Qayb Wayn  oo Kamida   taas oo Wax  kaqabashadeeda  ay Kufashilmeen Dadka Deegaan Xisbiyada Mucaaridka  iyo   Qaybaha Kale  ee Xukuumaduba.    Maxaa Wakhtiga  Kusoobeegay in Qoyska Madaxtooyadu Wareejo  Dekeda Berbera  Waliba Si Degdeg ah ?

Xogta  ay Xeeldheerayaasha Wax Odorasaa Siiyiin Shabkada SAXILNEWS Waxa  Xiligin Kukalifay  Qoyska Reer Siilaanyo Xaraasha Hambadii  ugu Danbaysay Hantida Umada Somaliland  Laba Arimood  iskugu Biiray Wakhtigan  Madaxtooyda,

1. Arinta Hore  oo Ah  Dhaqaale Xumo Xoogle oo  Soofood Saaray Sakhsandii Dawlada iyada oo Dhamaadka Sannadkan  ay Wali Faaruq Tahay khasnadihii Kaydka Qaranku Kadib Markii ay Amuuro Badani isku Kaashadeen  tan  ugu Daran ayaa  ah Dagaalka Ka Qarxay Yemen oo Sababay in Dhamaanba Ganacsigii  hoose  oo    Somaliland Lalahayd  Waddanka  Yaman  uu burburay  iyada  oo Xukuumada  Somaliland Wayday Ildhqaale  oo   ay  kasoo Xaroon  Jireen Dhaliga Dawlada 45%-  Waxa iyana  khasnada Dawlada Faaruqiyay Masuuliyiinta  Xilalka  laga Qaaday  iyada  oo Wasiir Samaale Lasheegay  in uu Qasnada Dawlad Kalunsaday  4 Milyan oo Dollar  Markii uu Xilka Kasii Tagayay,  Halka Wasiir Xirsina uu Dhabarka U Ritay Dhamaan Wixii ay  Isaga  iyo Qayska Madaxwayne Siilaanyo Meel Wadadhigteen.

 

2.Arinta Labaad  ayaa  ah  Beesha Caalamka  oo Gabi Ahaanba joojisay Dhaqaalihii Cadaanka ahaa ee  ay Somaliland  ugu Deeqi Jirtay Kadib Markii  Doorashooyinkii Dalku Baaqdeen, Sidoo  kalana Loo Gudbiyay War Kutidh Kuteen ah oo Laxidhiidha in  Xubno   Xukuumada Siilaanyo Katirsani ay Maal Galiyaan  kooxaha Xagjirka ah   ee Sida  Alshabaab   iyo kuwa lahalmaala.

Labadan Arimood Waxa  ay Cidhiidhi Galiyeen Dakhligii Xukuumada  Siilaanyo Waxana Qoyska  Talada Dalka haya  Kusoo Afgo,ay  Daymo Tiro Badan,   iyaga oo Arintaas Kaqaaday Warwar Wayn  uu Mustaqbalkooda Kusaabsan Madama  uu Wakhtigu Gurayo Sidoo kalana  aanay Filayn Lacag Degdeg  u Soogasha,  Waana Sababta  u Wayn ee ay Maanta Sida Degdega ah  Ugu Wareejinayaa   Dekeda Berbera.    Dhanka  kalana Labadii Xisbi Mucaarid  ee Dalka Kajiray  ayaa Fashilmay  kadib Markii ay Kumashquuleen Khilaafaad Daran oo  Gudahooda Ka Holcaya, Xisbga Ucid ayaa Labaga  Garab  u kala Jabay  iyaga oo Hadana Maxkamad  iskuala Jira, Halka Xisbiga Waddanina  uu Kumashuuqlay  Khilaaf   aan Hore Looga Siitashan  oo Kusaabsan Sida  uu U Qabsoomayo  Shirka Golaha Dhexe  ee Xisbiga Wadani   iyo Muran Xoogle  oo Kataagan Cida   Noqonaysa Musharaxa Madaxwayne  iyo Kan Kuxigeenka ee Xisbiga Waddani Marka Shirka Golaha Dhexe Laqabto Dhawaan.    Isku Mashquulka Xisbiyada Mucaaridka  ah Dhexdooda  ay Usuurogashay in   ay Qoyska Dalka Kataliyaa  ay Hanbadii ugu Danbaysay ee Hantida Qaranka  Xaraashaan Dharaanr Cad   iyaga oon Shicib  iyo Mucaaridtoona Wax  isaga Tirinaynin.

 

 

 

saxilnews005@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here