Khudbaddii uu Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi Ka Jeediyay Shirweynihii Burco 1991kii.

0
28

Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland waxa uu hore u soo qabtay laba shaqo oo uu hormuud u yahay cid kasta oo reer Somaliland ah isaga oo ah Maayarkii kowaad ee xilka magaalo-madax gobol qabta isaga oo 27 jir ah, sidoo kalena waa Mudanaha keliya ee Golaha Wakiillada ka mid noqday isaga oo 30 jir ah. Waxaynu halkan ku soo qaadanaynnaa khudbaddii uu Maxamuud Xaashi Cabdi ka jeediyay Shirkii lagaga dhawaaqay la soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland sannadkii 1991kii ee Burco lagu qabtay, isaga oo ah Maayarka ama Guddoomiyaha

Guddiga Burco

Maxamuud Xaashi Cabdi wuxuu yidhi “Alxamdulillaahi rabbil caalamiin. Wasalaatu wasalaamu calaa ashrafil anbiyaa’i wal mursaliin. Asalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuh. Anigoo ku hadlaya magaca Gobolka lagu qabtay shirweynaha nabadeynta iyo aayo-ka-talinta Gobollada Woqooyi, isla mar labaad anigoo ku hadlaya magaca bulshada martida loo yahay magaalada Burco waxaanu magaalada Burco ku soo dhaweynaynaa Guddoomiyaha Ururka SNM, Guddida Fulinta, Xubnaha Golaha Dhexe, Haayadaha Distooriga ah ee kala duwan, dhammaan aqoonyahanka iyo indheer-garadka, dhammaan ergooyinka kala duwan ee ka yimi beelaha Somaliland, waxaanu leennahay si niyad-sami, uur-fayoobi iyo laab-xaadhnaan ah ugu soo dhawaada Burco. 

Magaalada Burco waa magaaladiinnii, waxaanan filayaa in aad dareenkaas soo dhaweynta ah ka arki doontaan bulshada Burco dhammaantood. Waxaan intaas ku darayaa rajiimki wuu burburiyay Burco, awood ballaadhan oo nooc walba ahna  wuu ku isticmaalay, markii haddii marka meel la martiyo wixii laga heli jiray aad naga saluugtaan ama ay kaalinteedii gabto waan ak cudurdaaranayaa waxaan leeyahay Burco maanta Burcadii la yaqaannay. Waa Burco boqol iyo labaatan sanno ka hoosaysa sidii ay ahayd. Boqollaal kun oo qof ayaa ka barakacay. Qofka Burco jooga 1920kii kama uu waayi jirin guri, nabadgelyada kama werweri jirin, cuntana kama werweri jirin. Laakiin maanta Burco joogaa wuxuu ka werwerayaa hoyga, dhaqaalaha iyo cuntada, waxaynu odhan karnaa waxay Burco ka hoosaysaa toddobaatan sano oo la soo dhaafay. Haddii aad saluug naga aragtaan, micnaheedu ma aha in aannaan ku niyad-samayn shirweynaha iyo ergooyinka noo yimi iyo mid sawiraya soo-dhaweyn la’aan, laakiin waxaanu leennahay ha u muuqdo kii maanta Burco la awoodda ahaa.

 Waxa magaalada yimi ergooyin badan oo aan lagu talo-gelin. Waxa laga yaabaa in ay goobtan ka dhaceen hoy la’aan iyo cunta-xumo, taasna waa Burco oo unkan oo dhaqaalaheeda daakhiliga ahina uu dhismayo. Waxa laga yaabaa in ay taariikh xumo noo samayso. Laakiin annaga oo idinka raalli-gelinayna waxa aanu idin leeyahay saaxiibbayaal, walaallayaal waxa u sabab ah dhibaatooyinka guud ahaan dalka gaadhay, gaar ahaanna Gobollada Woqooyi. Waxaan Ilaahay ka rejaynayaa in uu noqdo Shirweyne aasaas u noqda masiirka ummadda Gobollada Woqooyi. Waxaan Ilaahay ka rejaynayaa in uu noqdo shir taariikhi ah oo Burco lagu xasuusto, ee aanu noqonnin mid Burco ku taariikh-xumaysato. Waxaan dadweynaha reer Burcana ka rejaynayaa in ay si gacan-furan walaalladood u soo dhaweeyaan oo ay hiil iyo hoo’ba la garab istaagaan. Dhammaan mudaneyaal iyo marwooyin waad salaaman tihiin. Waa madashiinnii iyo magaaladiinnii.”

Khadar Maxamed Faarax

Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here