Daawo Fadeexadii ka dhacday Xuskii 18 may ee Magaalada Oslo iyo Wasiirkii Beeraha Somaliland Oo Lagu Soo Casuumay

0
14

Oslo (Saxil News.com)-Maalintu Waa 18ka May Oo ka dhacaysaa Magaalda Oslo Ee dalka Norway, Waxaa goobta lagu Casuumay L(Saxil Wasiir oo Matalaayey Xukuumada Somaliland Waa Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo Toosiye) iyo Wasiirka Beeraha Somaliland Dr Maxamed Aw Daahir, Sidoo kale Waxaa iyana Goorbta Ka soo Qayb galay Dadweyne Xamaasadaysan Oo Doonaayey In Ay Xusaan Maalinta Qaranimada Somaliland Ee 18 May Oo Sanad walba laga xuso Daafaha Caalamka. Shacabka Reer Somaliland Ee ku Dhaqan Norway Waxa ay rabeen Sugayeena in Xafladooda ay ka Qabsoonto  meel laga arkaayo oo Fariintoodu Ka Gudbiso, Tusaysana Caalamka In Ay Yihiin Dad Jira oo Dal Xududiisa iyo Haykalkii Dawlanimo leh sidoo kale leh Maalinta Qarankooda Oo ay xusaan sida Wadama Caalamka oo kale Munaasabadahan ayaaKa dhici jiray Sanadihii hore laguna qaban jiray meel fagaare ah oo Dadka reer Norway Munaasabadahooda ku qabsadaan Waa Fagaaraha Youngstorget.

Qormadayda dambe ayaan ku soo qaadanayaa Sababta Loogu dhigi waayey Barxadii waynayd ee Youngstorget Ee sanadihii hore lagu dhigi jiray 18 may iyo Waxa ka hor istaagay Xubnihii Maamulaayey Xuskan maalitan.

Hadaba maxaa dhacay Ayaantii dhawayd?

Maamul Xumo , Is qabqabsi, Ruux Jeclaysi, Is muujin yaa codbaahiyaha lagaaga dheerayn iyo Dhaqaale…….

Waxaa dhacday In Sanadka 18 May 2015 Ay Dadkii maamulayey Xafalda Qabashadeedu ku qabteen Meel hool ah oo Qaada 500 Oo Ruux, se kamay fikirin Dadka reer Somaliland ee dabaal Degaa  In ay ka badan yihiin 500 Oo Ruux, waxaan odhan karaa way ogaayeen in Kumanaan reer Somaliland ah iyo Kumanaan kale oo dadka jiiraanka ahi ay ka soo qayb galayaan Xafladan. Taasi Oo ahayd Qaladkii ugu horeeyey ee ay galaan ama uu ka bilaabmay buuqa iyo isman dhaafka Kuna dambaysay in Xafladii ay jaha wareerto.

Qalad kan ka horeeyey ayaa jiray oo Ahaa in Heshiis dhex maray maamulka jaaliyada iyo Mudanayaal ka socda Golaha Deegaanka Oslo Oo reer Somaliland ah  kuwaas oo Heshiis lagu galay in Ay holka u koraynayaan Bixiyaana Lacagta Holka, taasna badalkeeda ay u helaan in Ay ku soo bandhigtaan Ololahooda doorasho Ee ka duwan tan meesha loo joogay Ee Dhawaantan ka qabsoomi doonta Dalka Norway Waa Ololaha Dawladaha hoose  Norwaye sidoo kalena ay maamuli doonaan Goobta Xaflada, Mabay Xumaateen hadii ay Kaligood maamuli lahaayeen ee Waxaa meesha ka muuqatay in hadal Qaybiyaha ama Xidhiidhiyaha hadba waa sidaad u taqaanee ay Ahaayeen in ka badan 6 (Lix) ruux Oo Midba doonayey cida uu rabo in uu Codbaahiyaha ku soo dhaweeyo Maahmaah ayaa tidhaahda (Hadii Wax kariyayaashu Bataan Maraqa ayaa xumaada) Videoga ayaad ka dheehan doontaan Wixii dhacay.

Mudo Ku dhaw laba sacaadood ayaa Waftigii ka yimdi Somaliland Dhaguhu ku barjoobeen Afka Norway Taas oo Ay Ka qudbadaynayeen Xisbiyo Isku Eryanaayey Dawladaha hoose Magaalada Oslo Iyo Xayeysiiyo Laga soo qaatay Goobo Ganacsi Oo Laga soo adeeto Taas Oo Wararka Qaarna sheegayaan Danaha Dhaqaale in ay ka mid ahayd Ee meesha dhex Cararaayey.

Taas waxa ka sii darnayd Maamulxumidana ka mid ahayd uguna waynayd oo dhabar jab ahayd in Labadii Wasiir Ee la casuumay Mid ahaan Loola dhaqmay si ka baxsan milgaha iyo Sharafta loola dhaqmo ruux Aadame ah taas oo isaga oo Khudbadiisa ku guda jira kalba inta la soo ag istaago laguna yidhaa “soo gaabi soo gaabi soo gaabi”. Wasiirka Beeraha Somaliland Dr Maxamed Aw Daahir Oo Isagu u soo diyaar garoobay safar dheer oo bad iyo buurba lehna u soo jiidhay sidii uu Xaflada 18 may reer Norway ugala qayb qaadan lahaa ayaa waxaa dhacday in Markii Hadalka laga dayn waayey “soo gaabi”  Boolis ayaa jooga Waa La xidhayaa ayuu markii dambe Erayo muusanaw ah ku tiraabay oo ah ” Waar Ninkaagan Gaaban idaa iyo Waar waan wadanayaa ee i daaya Waar Cadaankaba waad dhagaysanayseen ee Anigana i dhagaysta Oo I daaya”. Wasiirkii Markuu Khaatiyaan is taagay ayuu Codbaahihiyihii dhiibay. Waxay ahayd in meesha la soo xidho lama soo xidhin siday Wasiirka u sheegeen ee markiiba waxaa la bilaabay in hadana ilaa toban ruux cid gaadhaysaa in ay ka dambayeen wasiirka oo ruuxba ruuxuu jeclaa uu u yeedhay.

Arinta kale ee iyana meesha ka dhex muuqatay ayaa ahayd in codbaahiyaha la kala boobaayey oo tiroba 6 ruux midba uu doonayo in uu Hadal qaybiye Noqdo uuna Hantiyo Codbaahiyaha si Liistada uu hoosta ku haysto uu ugu Qaybiyo Hadalka.

Buuq Hadheyey goobtii ayaa waxaa dhacay in Alarm uu Qayliyey taas oo Police loo dalbaday Goobta lagana soo dareeriyey dadkii Reer Somaliland Ee ay u ahayd Maalin Farxadeed kuna soo labistay Calankoodii.

Isku soo wada duub Xafladaas oo dadku in badan sugaayeeen Ayna ahayd In Ay ku xusaan maalintooda Qaran ee Gooni isutaaga Somaliland Ayaa ka noqotay maalin Geeso badal leh Taas Qaar ay uga Faaidaysanyeen  ololaynaayo Doorashada Golaha Deegaanka Oslo Ee dalka Norway, Halka Qaarna Ay Isku Soo saar Iyo Dano Shaqsi Ay ka Lahaaye, Qaar kalena ay Dano Dhaqaale Meesha ugu  jireeen.

 

 

berbera2002@gmail.com

Saxilnews.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here