Khasaare dhimasho & dhaawacba leh oo ka dhashay qaraxyadii Muqdisho

0
18
Dadku waxay is weydiinayaan sida ay qaraxyadu uga dheceen meel aad loo ilaaliyoLahaanshaha sawirkaRADIO MUQDISHO
Image captionDadku waxay is weydiinayaan sida ay qaraxyadu uga dheceen meel aad loo ilaaliyo

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay, laba kalena way ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen shaqaalaha gurmadka, weerarradii maanta lagu qaaday xarunta madaxtooyada Soomaaliya iyo hoteelka halkaa ku yaalla oo ay inta badan madaxda dawladdu tagaan.

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarradaas oo loo adeegsaday laba gaari oo laga buuxiyey waxyaabaha qarxa, kuwaasoo lala beegsaday bar koontarool oo madaxtooyada laga ilaaliyo iyo hotelka SYL.

Qaraxyada ayaa waxaa xigay rasaas xooggan oo ay is dhaafsadeen dableydii weerarka qaadday iyo ilaalada madaxtooyada Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya kama aysan hadlin weerarka, hase yeeshee wakaaladda wararka SONNA ee ku hadasha afka dawladda Soomaaliya waxay sheegtay in ciidanka amnigu ay “ka hortageen qaraxyo argagixiso”.

Weerarradan oo kuwa noocooda oo kale ah lagu qaaday xarunta Otto Otto todobad ka hor, ayey dadku is weydiinayaan sida ay uga dheceen xarumaha dawladda, ayadoo aad loo adkeeyey amniga iyo isu socodka gaadiidka ee Muqdisho, gaar ahaan meelaha ay ku yaallaan xarumaha dawladda ee aadka loo ilaaliyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here