IS oo lagu eedeeyay adeegsiga Mustard gas,,,,

0
25

Ciraaq (Saxilnews.com) Saraakiisha Mareykanka ayaa baaraya warar sheegaya in ururka isku magacaabay Khilaafada Islaamka uu dagaalka Ciraaq ku adeegsaday hubka kiimikada mamnuuca ah ee mustard gas-ka.

Golaha Ammaanka Qaran ee Mareykanka ayaa sheegay in eedaha ay u qaateen kuwo dhab ah.
Sarkaal dhanka difaaca ah ayaa saxilnews u sheegay in ay “suuragal tahay” in dagaalyahannada Kurdiyiinta loo adeegsaday gaaskaasi khatarta ah.
Horraantii todobaadkan, saraakiisha Kurdiyiinta ayaa sheegay in 60 ka mid ah dagaalyahannadooda uu naqaska ku dhagay, kaddib markii ay weerar kusoo qaadeen xooggaga ururka isku magacaabay Khilaafada Islaamka ee waqooyiga Ciraaq.
Mustard gas-ka ayaa ka mid ah hubka kiimikada ah ee la mamnuucay, waxaana uu qofka ku ridi karaa dhibaato dhanka naqaska ah, indho la’aan iyo barar.

Diyaariye Mahamed hassan aadam

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here