Saxilnews.com
WAR DEG-DEGA:- XIL KAQAADIS MAYIRKA BERBERA OO XILKII KA QAADEY XISAABIYIHII DAWLADA HOOSE MAGACABEYNA MASUUL CUSUB.
August 13, 2015 - Written by admin

Berbera (Saxilnews.com) ..Gudoomiyaha Golaha Degaanka Berbera Ahna Duqa Degmada Berbera ayaa Xilkii ka Xayuubiyey Xisaabiyihii Dawlada Hoose ee Berbera C.khaaliq C.laahi C.raxmaan( Awal Bari) Halka uu Markiiba u Magacaabey Xilkaasi Maxamed Axmed Faas oo isna ah Masuul Ka Shaqeynayey Waax Kamid Dawlada Hoose , Haddaba Xilka Qaadista Xisbaabiyaha uu ku Sameyey Maayir C.shakuur Ciddin ayaa Dabo Socota Arrintii Habeenkii Xaley lagu Xidhay Ganacsade Cabdiwahaab Aw Caqli oo lagu Edeeyey inuu Dawlada hoose ee Berbera ka Qaadey Jeeg Lacageed oo Dhan $130,000 oo lacagta Dollarka Mareykanka ah , Kaas oo uu lahaa Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) oo kamida Golaha Wakiilada Somaliland , waxaana Lacagta Xadigaasi leeg lagu Shegay inuu Xildhibaanku ku Sameynayey Mashruuc Dhireyn ah oo laga Sameynayey Magaalada Berbera , Shaqadaasi oo aan ilaa hadda la qaban, Arrintani ayaa Habeenkii Xaley aheyd Noqotay mid Guux badan ku Abuurtay Magalada Berbera , islamarkaasna ay Dadka intooda Badan ay isweydiinayeen Sababta uu Xildhbaan Ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland uu lacagta intaasi leeg uga Qaadanayey ,
Shabakada Wararka ee saxilnews.com oo la Xidhiidhay Ganacsadihii Habeenkii Xaley loo Taxaabey Saldhiga ayaa Waxa ay Soo Ogaatey in Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo Kamida Golaha Wakiilada Somaliland u Qandaraas Dhireryn ah ka Qaatey Dawlada Hoose ee Berbera , Mashruucaas oo ay Dilaaliin ka Ahayeen Xildhibaano ka Tirsan Aqalka Wakiilada iyo Degaanka Berbera , kuwaasi oo Sida ilo Xogogaali ay Shabakada wararka ee saxilnews.com ay u Tibaaxeen ku lahaa Lacagtaasi Mida $10,000 oo lacagta Mareykanka ah , waxana Dilaalkaasi Buuran ee Xildhibanadaasi uu Sababey in lays aamini Waayo ,Markii lacagta Horumarinta ah ee Mashruuca lagu bilaabi lahaa u Saxeexay Mayir Cabdishakuur Ciddin , Lacagtaasi Horumarinta aheyd oo Dhameyd $40,000 aya Qaadista Jeegii ay ku Qorneyd laysku Seegay cidii Qaadi lahey Taasina waxay keentay in Xisaabiyihii Dawlada hoose ee Berbera oo ahaa Nin Mudo Badan ka soo Shaqeynayey Dawlada hoose ee Berbera islamarkaana Maayiro badan ay ku Soomareen Aqalka Dawlada hoose uu Maanta Jaran-jarada ka Dhaco

Dhinaca kale Dadka ka falooda Siyaasada Degaanka Berbera ayaa ku Tilmaamey Talabadani Xilka qaadista Xisaabiyaha e u Maayir C,shakuur Cidin qaadey inay tahay Tii ugu Adkeyd ee uu qaado mudadii uu Xilka Maayirnimo ee Berbera hayey Waxaana aan la Ogsooneyn Caabiga ay yeelan Doonto iyo halka ay ku Danbeyn doonto Madaamo Xisaabiyaha Shaqada laga eryey ahaa Mid Mudo badan kasoo shaqeynayey Dawlada hoose Gacmo Faro badana lahaa oo uu Adeegsan karo ,

Wixii Warar ah ee ka Soo Kordha Arrintaasi Lasoco Goor dhaw

WWW.Saxilnews.com

Saxilnews005@gmail.com

head office berbera(saaxil)

COMMENTS
Latest News