In Ka Badan Lix Boqol Oo Askari Ayaa Sugaya Madaxweyne Biixi Oo Safar Ku Maqan

0
17

Akhri:- Sababta Ay U Sugayaan Soo Noqoshada Madaxwaynaha Somaliland In Ka Badan 650 Askari Oo Ciidamada Qalabka Sidda Ah

Hangoolnews:- In ka badan 650 Askari oo ka tirsan Ciidamada qalabka sidda ee samaliland ayaa sugaya soo noqoshada Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan waddanka Jabuuti.

Ciidamadan sugaya Madaxwayne Biixi soo noqoshadiisa ayaa ka kala tirsan, Ciidanka Milatariga, Booliska, Asluubta, Badda, Madaxtooyada iyo Laanta Socdaalka.

Ciidamadan ayaa ku sugan Kuuliyadaha Tababarka ee Ciidamada Milatariga iyo Booliska ee Dararwayne iyo Madheera.

Ciidanka ayaa dhamaantood u dalacaya darajada Sarkaal Buuxa, waxaana loo dalacsiin doonaa Xidig-layaal.

Ciidankan oo muddo lix bilood ah la tababaryay ayaa imika waxaa kaliya oo ay sugayaan ay tahay soo noqoshada Madaxwayne Biixi si uu ugu taxo darajada ay u dalaceen, ciidanka ayaa markii hore dhamaantood ahaa Kormeere Saddexaad.

Waxay noqonaysaa Markii ugu horaysay ee Ciidan intaa leeg oo dalka wax lagu baray ay u dalacaan.

https://youtu.be/xnRJ2y6TPyo

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here