|
|||||
Saxilnews.com
Somalia: Sheekh Caan Ka Ahaa Geyiga Soomaalida Oo Qarax Lagu Dilay
February 24, 2022 - Written by adminAllah ha naxarisitee waxa lagu dilay geyiga Soomaalida, gaar ahaan maamul gobolleedka Soomalaiya ee Magaladda Kisamayo, Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed. ![]() Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Sheekha oo safar hawlo dacwada diinta ah Sheekh Cabdinaasir u tegey Magaaladda Kismaayo, iyadoo gaadhigiisa loogu xidhay miinada sheedda laga hago, taas oo sababtay qaraxa, sidaana uu ku naf waayay Allah ha u naxariistee Sheekh Cabdinaasir maanta. X Sheekh Cabdinaasir oo ka mid ah Culimada kasoo jeeda Somaliland, gaar ahaan gobolka Sool, wuxuu ka mid ahaa culimada inta baddan ka hadla qaraxyada ka Is-miidaaminta ee Soomaaliya caanka ka noqday, kuwaas oo lala beegsado masuuliyiinta dawladda Federaalka, hay’addaha shisheeye , isla marar baddana ay ku naf waayeen boqolaal shacab ah.
COMMENTS
|
Latest News
|