GUDOOMIYE KU XIGEENKA WADDANI OO GOLAHA GUURTIDA IYO GUDOOMIYAHOODA KU EEDEEYEY INAY KA GAABIYEEN

0
30

Hargaysa (Saxil News.com)-

gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Axmed Muumin Seed ayaa ka hadlay xaalada gobolka Awdal iyo doorashooyinka dalka ku soo socda.

 Gudoomiye ku xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani waxa uu sheegay inaanu madaxweyne Siilaanyo wakhtiga u hadhay kaga jawaabi Karin tabashadii ay u soo gudbiyeen madax dhaqameedka reer Awdal waxaanu yidhi “Saamigaas runtii  wakhtigiisii wuu dhamaaday xukuumadana wakhtigii wuu ka dhamaaday  waxa u hadhay afar bilood, wakhtigaas hadhayna u malayn maayo in wixii uu Siilaanyo hore ugu qancin waayey salaadiinta inuu ku qancin doono, Saamigaasna waxaan leeyahay wakhtigiisu wuu dhamaaday waana  saanbuuse laga eedaamay.” Ayuu yidhi Axmed Muumin Seed oo la hadlay HCTV.

Sidoo kale gudoomiye ku xigeenka Waddani waxa uu eedayn balaadhan u

jeediyey gudoomiyaha golaha guurtida iyo golahaasi waxaanu sheegay inay ka gaabiyeen sidii ay uga hawl gali lahaayeen arinta gobolka Awdal waxaanu yidhi “Golihii guurtida somaliland  ee marka ay wax dhacaan uu gudoomiye Saleebaan guddi u saari jiray ee uu tagi jiray  ee laga hadli  jiray ilaa imika lama arag golihii guurtida oo marxaladaas  Awdal ka taagan iyo suldaankaas  wax wada hadal ah u furay ama ka sheekaynaya  taasina waa arin aad loola yaabo  inay guurtidu iska fadhiyaan oo ay arintaas waxba ka odhan waayaan  oo xataa ay guddi u diri waayaan waa arin laga xumaado  waana arin maanta laga sugayo gudoomiyaha golaha guurtida.”

Gudoomiye ku xigeenka xisbiga waddani waxa uu sheegay inuu xisbigoodu qabsan doono shirweynihiisii waxaanu yidhi “Anagu waxaanu doorasho ku galaynaa shir weynahayagii ayaanu qabsanaynaa  wax dhulka naga yaalaa ma jiro waxaanu diyaar u nahay in doorashada wakhtigeeda aanu ka qayb galno wixii xisbi ahaan naga dhimana deg deg ayaanu u dhamaysanaynaa.”

Sidoo kale Axmed Muumin Seed waxa uu xukuumada ku canbaareeyey inay  hagranayso inay qabato hawlaha doorashooyinka waxaanu yidhi “Doorashooyinkii waxa inooga hadhay afar bilood saansaantii doorashadana xukuumadani ma hadal hayso, shacabka somalilandna yar iyo weyn waxay diyaar u yihiin in doorasho dalka ka dhacdo taas darteed ayaa dawladani waxay u haysataa maalintii xilka lagu wareejiyey inay maanta tahay waayo hadal iyo daba ka riix iyo shaqo ay qabanayaan ma jirto shacabkuna taas diyaar uma ah, xisbi ahaana waxaanu aad u dareemaynaa inay xukuumadu hagranayso inay dalka doorasho ka qabato, dalkana sidan ku sii socon maayo waxaana loo baahan yahay inay doorasho ka dhacdo,  reer somaliland waxa u dana oo dimuqraadiyada u dana in xukuumadani ay doorashidi qabato.”

 

berbera2002@gmail.com

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here