Saxilnews.com
Kooxda Wakaalada Biyaha Berbera Waxay Kufaanaysaa Waxqabad
February 19, 2015 - Written by admin

Kooxda Kubada Cagta wakaalada biyaha Berbera waxay ku guulaysatay koobka horyaalka kubada cagta sera A da gobolka saaxil, Maareeyaha wakaalada biyaha Berbera waxa uu hadiyad uga dhigay sadex hadiyadood oo qaali ah oo aanay nasiib u yeelan kooxaha kubada cagta ee ka jira gobolka saaxil oo intooda badani u ciyaara meelo ka dhaqaale badan wakaalada biyaha sadexdaa hadiyadood waxay kala yihiin
1. Inuu lacag fiican oo aan lagu abaal marin kooxaha kale uu ku abaal mariyey maareeyuhu.
2. Inuu dhamaan ciyaartoyga kooxda u qoray mushahar
3. Inuu shan ciyaartoy oo ka mid ah ciyaartoyga ka shaqaaleeyey wakaalada biyaha balana qaaday inuu inta kale ee bilaa camalka ah shaqaalayn doono hadii wakhtigu u saamaxo,
Waxa uu maareeye C/raxmaan Cartan cadeeyey lexojeclada uu ka qabo dhalinyarada iyo sida ay uga go’an tahay inuu taageero hiil iyo hooba siiyo.
Koox ahaan waxay aad ugu mahad celinayaan sida qiimaha leh ee uu maareeyuhu u karaameeyey kooxdiisa.

Liban Shire

COMMENTS
Latest News