Hargaysa (Saxilnews.com)-Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani isla markaana ah gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Ciro ayaa waxaa uu ka hadley rabshadaha nabad galyo daro ee ka soo kordhey gobalka Saaxil waxaana uu baaq u diray dadweynaha ku dhaqan gobalkaasi
Muddane Ciro gudoomiyaha xisbiga Waddani oo arintani ka hadlaya waxu yidhi “ Waxaan Shacbiga Gobalka Aan Ka Soo Jeedo Ee Saaxil guud ahaantii ugu baaqayaa baaq nabad galyo oo ah in ay nabad galyada ilaaliyaan maadama oo aynu hawl qaran ku wada jirno masuulyada nabad galyadana xukuumada ayey saran tahay waxaana aan rajeyna in ay xukuumadu xilkeedaas gudan doonto oo la xasilin doono xalaada amaanka”
Gudoomiye Ciro ayaa waxaa uu sidoo kale uu xukuumada Somaliland ku dhaliilay in isgaadhsiintii laga jaro gobalka Saaxil waxaana uu yidhi “ anigu maan arkeen sabab khadka telefoonka looga jaro gobalkaasi Saaxil lakiin waxan u soo jeedinayaa xukuumada iyo ciidamada amaanka in amaankana la sugo adeegyada shacbiga ee telefoonadu ka midka yahiina loo furo” ayuu yidhi gudoomiye Ciro .
Saxilnews// Hargaysa //Office
WWW.SAXILNEWS.COM