Hargeysa (saxilnews.com):-Gudoomiyaha Maxkamada sare ee somaliland waxa uu sheegay inaanay jiri doonin wariye iyo hay’ad warbaahineed oo la iska xidhi doono waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Marka ay timaado saxaafada waxaanu raacnay wado cusub oo aanu doonayno in mihnada saxaafada iyo saxafiga inaan loo xidhin mihnidiisa marka uu gudanayo, hadii lagu haysto wax danbiya mihnadiina aan la xidhin saxafigiina aan la xidhin,laakiin dacwad lagu furo wixii ay maxkamadu soo saartana lagu xukumo laakiin aan xukunkii maxkamada laga hor dagin.”Ayuu yidhi gudoomiye Aadan Xaji Cali oo la hadlay BBC.
Gudoomiyaha maxkamada oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay qaabka hada loo xidho wariyayaasha, waxaanu tilmaamay inay hadyo jeer khalad galaan ciidamada Boolisku waxaanu yidhi mar kale “Mararka qaarkood khalad ayaa dhaca xaga booliska ka yimaada kaas oo ah in qofkii mudo gaaban la qabto iyada oo aan wax waaran ah laga wadan maxkamada, marka kaliya ee maxkamaduhu qofku u xisaabsan yahay waa marka ay iyagu waaran sharci ah soo saaraan, qofkana waaran la,aan laguma xidhi karo, anaguna hab cusub ayaanu raacnay kaas oo ah inay saxaafadu leedahay hab gaar ah kaas oo ah in dacwad lagu furo, mudadii aan gudoomiyaha ahaana waxa maxkamada soo galay sadex dacwadood oo saxaafada la xidhiidha si caadiya ayaana dacwada loogu furay iyaga oo xora oo dibada joogana ayey looyaro qabsadeen waanay is difaacayaan, wax xadhig ah oo mihnad la qufulayo ama qof saxafiya la xidhayaa ma jiro.” Ayuu yidhi gudoomiye Aadan Xaaji Cali.
maxamed xasan
saxilnews005@gmail.com