WASIIR KUXIGEENKA XANAANADA XOOLAHA OO XUKUMADA AXMED SIILANYO USOO MAGACAWDAY WAKIILKA DAWLADA EE GOBOLKA SAAXIL SI MASHRUUCA WAREEJINTA HAAMAHA SHIIDALKA UHIRGALIYO IYO XADHIG UU UGU HANJABAY GUDOOMIYAHA XISBIGA WADANI EE GOBOLKA SAAXIL

0
21

Berbera ( saxilnews.com)-Wasiirkuxigeenka Xanaanada Xoolaha Cali Maxamed Cilmi oo dabo Socda Dareenkii Dadka Reer Berbera ay kaga Fal Celiyeen Socdaalkii ay ku yimadeen Magalada Berbera ayaa Maanta Khadka Telephone uga Soo hanjabey Cali Axmed Kooshin oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ee Gobolka Saaxil

Cali Axmed Kooshin oo la Soo Xidhiidhay Shabakada Wararka ee Mandheera.com ayaa u Xaqiijiyey in Maanta Duhurkii uu soo Garaacey Telephone kiisa gacanta Wasiir kuxigeenka Xanaanada Xoolaha Cali Maxamed Cilmi(Cali Gadheer) Kadibna uu ku yidhi Hadalo Hanjabaad iyo Handidaadi isugu jirto ,Waxaanu yidhi Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ee Gobolka Saaxil isagoo ka Waramaya Hadalkii Dhexmarey isaga iyo Wasiirka

“Maanta Duhurkii ayuu ila Soo hadley Wasiirku aniga oo uu ila Socdo Nin kale oo Dr. Aden Cabdikariim la yidhaahdo ,Kadibna Markii aan ka qabtey, waxa uu Wasiirku igu bilaabey Caliyow haddii aad Meelahaa Borobagaando aad ii Marinayso ku abshir Madaxweynihii Maanta Aniga ayuu isoo Magacaabey inaan noqdo Masuulka Kowaad ee Gobolka Saaxil, Waxaanan Fadhiyayaa Magaalada Berbera Saddex Bilood ,Waxaanad ku Caweyn doontaa Xabsiga ee Ku Bushareyso, Haddii aad is leedahay Berbera waad ka Saartey”
Cali Laangadhe

Sidoo kale Gudoomiyaha Xisbiga Mucaarid ka Wadani ee Gobolka Saaxil Cali Axmed Kooshin Waxa uu Sheegay inuu Wasiirku Hanjabaadaasi kadib u kuyidhi adiga ayaa ka dambeeyey Foodhidii iyo Kacdoonkii Maalintii Ciida Dadka Reer Berbera ay kale Hortageen

Dhinaca Marka laga yimaado Hadalka Hanjabaada ah ee dhinaca khadka telephoneka ku dhexmarey Gudoomiyaha xisbiga wadani ee Gobolka Saaxil Cali Axmed Kooshin iyo Wasiirku xigeenka Xanaanda Xoolaha Cali Maxamed Cilmi(Cali Gadheer) ayaa Wararka Shabakada Mandheera.com soo gaadhayaa ay tibaxayaan inuu jiro Magacaabistaasi ah in Wasiirku xigeenka Xanaanada Xooluhu Cali Maxamed Cilmi uu u noqon doono Masuulka ugu Sareeya Gobolka Saaxil islamarkaana uu Fadhidoono mudo Saddex Bilood ah magaalada Berbera xukumaduna usoo magacawday ,waxaney Arrintani noqonaysaa Arrin aan ka dhicin Somaliland marka laga Tago Xiligii Axdi qarameed ka ee Madaxweyne Cigaal lagu Soo doortay Boorama oo wasiiru dowlayaal Fadhiyi jireen Gobolada Dalka.

Geesta kale Magacaabista Wasiir Kuxigeenka xanaanada Xoolaha ee ahaan doona ama loo soo magacaabay Wakiilka dawlada ee Gobolka Saaxil ayaa umuuqda la doonayo in uu hirgaliyo mashruuca faashilka ku dhaw ee wareejinta haamaha keydka shiidalka Berbera si uu cid kasta oo arinkaas ka hortimaadana xabsiga ugu taxaabo, sidoo kale waxa meel cidla ah lagaga tagay Wasiir kuxigeenkii Warshadaha Cali axmed Maxamed(Cali Dhegoole)oo isagu ka muquurtay inuu sidii cali gadheer mikirfoonka halabsado markii foodhida iyo orinta reer berbera kala horyimaadeen

Si kastaba ha ahaatee Hadalkan ayaa ku soo Beegmaya Xili Wasiirku xigeenadi Xukamada Madaxweyne Silaanyo ay Hormoodka uga dhigtay Hirgalinta Mashruuca Dhaxal Wareejinta Haamaha Shiaalka Berbera ay Waji gabax kale noqdee Magaalada Berbera  Kadib Markii Salaadii Ciidal udxa Shacabka Reer Berbera ay ku Foodhyeen ku orin kala hortageen khudbadii ay damacsanaayeen inay dadka ujeediyaan labada Wasiir Kuxigeen , islamarkaasina ay Tuseen Dareenka ay ka qabaan Wareejinta Haamaha Shidaalka , Taas oo Bedelka Wasiiradu ay Cadho kula Dhaceen Wariyayaashii gudbiyey Dareenka Shacabka Berbera

 

 

 

berbera2002@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here