Gostaf: buugiisa sirta horumarka umadaha Muxu ka qoray Dumarka

0
22

 

“” Magaca madhabta*** sinnaanta raga iyo dumarka ayaa ay gabadhu ku doontay inay la sinaato ninka xaga xuquuqda iyo tarbiyadda, iyadoo illawsan farqiga u dhexeeya labada nooc xaga hannaanka awoodda garashada!!, haddii ay gabadhu ku guulaysato waxay rabto waxa ay ka dhigaysaa ninka reer Yurub nin reer gauuraaya oo aan lahayn guri uu u hoydo iyo reer uu ku xasilo.

SH.Musdafa AL-subaaci oo hadalkaas ka faalloonayaana waxa uu yidhi mr.Loban waxa uu hadalkan qoray ku dhawaad siddeetan sano ka hor, hase yeeshee waxa uu ka sheegayay guryaha** reer Yurub wax weyn ayaa ka rumoobay, sida ay ka marag kacayso qoraalo iyo tiro koobyo aan ku xusay qeybo ka mida kitaabkayga Gabadhu Waxay Dhex taalla Fiqiga iyo Qaanuunka””

Na’ema ahaan Waxan akhriyay buugag badan oo Xuquuqda Aadamaha ama Haweenka ka hadlaya oo ay qorren qoraayo reer galbeed ah iyo culimo islaama xaqiiqatan waxa la isla waafaqsan yahay inaanay jirin xuquuq Haween ilaa mida ILLAAHAY siiyay mooyee.

Hadaba waxan aaminsanahay Haweenku ma yaqaanan Xuquuqda ILLAAHAY siiyay haday yaqaanana sidooda uguma dhaqmi karran waayo waxad arkaysa gabadh ku doodaysa xuquuq baa naga maqan balse hadana aan sheegi karrin xuquuqda maqani waxay tahay.

Diintu waxay ogoshahay Inay Haweenku ka qayb qaadan karaan waxbarashada, Ganacsiga, Siyaasada, iyo Hawl maalmeeedka kale iyaga oo asturan Si diin lehna u gudanaya shaqadooda.

Intaa ka dib waxan so jeedin lahaa Gabadhu waa inay wakhti hore iska guursato hadday awooddo, waa inay iska nacdo nolosha ciyaarta ku dhisan oo ay had iyo jeer si dhaba oo aan dheel dheel lahayn u gudato hawlaha nolosheeda.

waa inay carruur yeelato isla markaana aanay ka baqan inay naaska jaqsiiso, maxaa yeelay mar kasta oo ay nolosheeda si dabiiciya u qaadatoba waxa ay nolosheedu isu sii beddelaysaa mid farxadeed oo badhaadhe leh.

Waa inay jeclaato carruurteeda si ay u raalli geliso iyaga, maaha inay taas u samayso raalli gelin nafteeda ah.

waa in aanay carruurteeda kaga mashquulin shaqo dabadeed oo wakhti badan ka qaadata hadii aanay jirin duruuf ku kalifaysa, waa inaan Rabaynta Caruurteena xooga saarna waa inaan karti u samayno waa inaan dhisno oo ka dhigno rag iyo Haween macno u sameeya Dunidan, si bulshada aan ugu so kordhiso Umad tayaysan oo wax badali karra.

Intaas markay qabato Gabadhu waxan aaminsanahay inay sii siyaad-sanayso oo xidida u sii aasayso awooddeeda oo ay bulshada ka degayso maqaam ka sarreeya ta uu qaanuunku siin lahaa, isla waqtigaas ayay gabadhu noqonaysaa mid ka sarraysa ninka ee ma noqonayso mid la siman.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here