(SASKII LAGA QAADAY MIDOWGII MUCAARADKA IYO MADASHA AYAA DIB U DHAC KU KEENAY KHUDBADII MADAXWAYNAHA)

0
19

Sidaynu lasocona waxaa dib u dhac wayn ku yimid khudbadii madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland axmed maxamed maxamuud siilanyo ee sanadlaha ahayd, khudbadaasoo kaga hadli jiray madaxwaynaha sanadkii tagay waxqabadkii uu fuliyay iyo waxa uu higsanayo sanadka cusub inay wax ka qabtaan, hase ahatee maanta oo ay taariikhdu tahay 25/03/2015 wali ma cada waqtiga uu khudbadayn doono madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland. Inbadan oo kamid ah shacabka jamhuuriyada Somaliland waxay ka dhur sugayaan khudbada madaxwaynaha uu ka horjeedin doono labada gole wakiilada iyo guurtida iyadoo wadanku uu marayo marxalad xasaasi ah oo ay doorashadii inagu soo food leedahay. Se waxaa kaloo la is waydinayaa khudbadii madaxwaynaha oo mudo dhaaf badan ku jiro ma waxaa dib u dhacaa keenay midowgii mucaaradka iyo madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka oo khalkhal galiyay xukuumada iyo xisbiga kulmiye. Sidaynu ogsoonahay midowga mucaaradka iyo madasha oo ah cudud aan la dhayal yaraysan Karin ah ayaa u muuqda mid ladardar galiyay shaqadii mucaaradnimada iyagoo ka faa’idaysanaya wasiir samaale is casiladiisii oo aynu oran karno samaale waxuu xukuumada iyo xisbiga kulmiye ku keenay kala shaki oo dadka inta badan ay u macneeyeen in muuse iyo guruubkisii ay madaxtooyada ku dhawadeen halka samaale iyo guruubkisii la filayo inay ka huleelaan madaxtooyada awoodii ay ku lahayeen. Guntii iyo gunaanta anigoo ah madaxwaynaha mustaqbalka waxaan ka dhursugaynaa khudbada madaxwayna uu ka horjeedindoono labada gole ee guurtida iyo wakiilada, madaxwaynahana waxan ku boorinayaa inuu soo dedejiyo khudbadiisa, madaxwayna shacabkagu waxay ogsoon yihin isbadalka aduunka ku yimid sanadka cusub ee dhaqaalaha iyo samaynta ay Somaliland ku keentay shacabkaguna way kula fahansanyihin marxalada dhaqan dhaqaaled ee uu dalka marayo iyo shirkii turkiga xaladaha kazoo kordhay, ka madaxwayne mustaqbal ahaan aan filayay inuu sidan ku danbayn doono shirkii ajandihiisu ahaa walaalaheen wax badana aad hore halkan uga soo jeediyay, mucaaradkana yuusan ku sasine difaacooda udiyaar garow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here