Hargeysa (Saxilnews)- Kal-fadhiga golaha guurtida, ayaa lagu wadaa inuu fumro maalinta Sabtida ah ee soo socota oo bishan labaad(February) ay 25-ka tahay, waxana uu fadhigaasi wataa xaasaasiyad gaar ah, maadaama la filayo in lasoo hordhigi doono codsigii madaxweynaha ee muddo-kordhinta xukuumaddiisa la xidhiidhay.
Mudanayaasha golaha guurtida oo iyagu ku shaqo leh muddo kordhinta isla markaana ay maxkamadda sare ee Somaliland u fasaxday ka go’aan gaadhista dib u dhaca doorashada iyo muddo kordhintaba, ayaa waxa la filayaa inay kulankoodan u fadhiistaan maalinta sabtida ah, balse wararka qaarkood ayaa sheegay in maalinta Axadda ah eek u xigta go’aan laga gaadhi doonto muddo-kordhinta xukuumadda loo samayn doono.
Madaxwaynaha Somaliland ayaa la sheegay in uu shirgudoonka golaha guurtida Somaliland u direy warqad uu kaga codsanayo inay u tixgaliyaan oo aanay golaha guurtidu ka badin wakhtigaa ay isla qaateen saddexda dhinac in doorashada dib loo dhigo kaas oo ku sinnaa muddo lix bilood ah,waxaana xoguhu noo sheegeen in golaha guurtidu ay iyaguna dhankooda la qaadan doonaan go’aankaa ay wada qaateen saddexda dhinac ee ku saabsan in doorashada dib loo dhigo isla muddada hore la iskugu raacay ee ah 10.10,2017-ka,halka ay wararka qaar sheegayaan In xildhibaano ka tirsan golaaha guurtidu ay wadaan qorshayaal ay doonayaan in xukuumadda madaxwayne Siilaanyo ay ugu kordhiyaan muddo Hal Sanno ah.
Cadaadisyo badan oo is khilaafsan, ayaa la sheegayaa inay guurtida ku hoobanayaan, iyada oo madaxtooyada lafteeda laba codsi ka imanayaa, kuwaas oo mid kamid ah oo madaxweynuhu horsed ka yahay u olalaynayo in wakhtiga la isku raacay la tixgeliyo, halka qolyo kale oo ujeedooyin aan weli la caddayn lihina ka dalbanayaan in muddada la badiyo.
Warku waxa uu caddaan doonaa marka uu kalfadhigu si rasmi ah u furmo maalinta Sabtida ah ee soo socota, isla markaana ay goluhu hawshooda muddo-kordhinta ah ee hor taalla gudo galaan.
Xigasho:- Wargeyska Hubaalmedia