Eexdii iyo Qaraabokiilkii Xukuumadii Kalitaliye Maxamed Siyaad Bare ku haysay Hargeysa iyo Qaraabo kiilka uu wado Maayor SOLTECO bal isku fiiri

0
26

Hargaysa (Saxil News.com) -Markaad Aragto Eexda iyo Qaraabo-kiilka Masuuliyiinta sarsare ee dalkeena waxad is waydiinaysaa oo haday tii kumanaanka ruux u dhinteen ee loo xasuuqy ay sidan tahay maxaa loogu soo dhimanayay ma in ay noqoto dawladii Mareexaankii mid ka daran

Eexdii iyo Qaraabokiilkii Xukuumadii Kalitaliye Maxamed Siyaad Bare ku haysay Hargeysa iyo Qaraabo kiilka uu wado Maayor SOLTECO bal isku fiiri

Duqa Caasimada Hargeysa Cabdiraxman SOLTECO isagoo adeegsanaya awooda Xilka uu umada u hayo waxa uu inaadeerkii DIINQALE oo ah sarkaal ka tirsan Booliska Somaliand Baloodh ahaan u siiyay Wado Nashqada Caasimada ku jirta oo hor marta Guri dhisan oo uu iska leeayahay muwaadin Cali Maaweel Diiriye.

Diinqale oo wata lixdan askari oo boolis ah oo hubaysan waxa uu xoog jaajuur ku dhisay oo uu awday alabaabkii ku soo jeeday wadada uu inaadeerkii Mayor SOLTECO xaaraanta ugu sharciyeeyay.

Sababta kali ah ee Aqalka labada dabaq ah ee uu Cali Maaweel iska leeyahay wajahada Mayor SOLTECO uga awdayo ayaa ah iaydoo aanu Cali Maaweel ahayn qabiilka Duqa Caasimada iyo Diinqale oo ah Reer Gadiid, Balse sharciga waxa Mayorka kala waynaaday inaadeerkii DIINQALE oo isna haysta awoodii Booliska.
Labo Jeerba Talaabada Mayorku Aafo Qaran ayay u tahay

1. Town plankii Qorshihii Caasimadu ku dhisantay isagoo aan dhalan ayuu burburiyay kadib markii uu halii wadada ahayd ka dhigay dhisme, marka wadadu la kala iibsado ama lays ilmaadeertinimo siiyo waa halka ugu dambaysa ee Musuqmaasuqa adduunka kii musuqay kii loo musuqay iyo dalkoo dhana wuu aafaayaa.

2. Cadaalad darada goob dalka ka mid ah ka dhacdaa waxay aafaysaa cadaalad daradii goobaha kale ee dalka taalay, Hadii ay SOLTECO iyo DIINQALE kaga dhabeeyaan dulmigaasi, waaba ay kaga dhabeeyeene waxa hubaal ah in ay saandanbana la arki doono Masuuliyiin Xilal Sare ka haya Dawlada Somaliland oo Xaasas Rag muwaadiniin ahi qabaan sidii BUULE khasab kula wareegaya.

Marka xaalka Somaliland noocaa yahay sow khalad may ahayn kumanaankii u soo dhintay cadaalad daradan aynu ku sheegayno dib ula soo noqoshada Gobanimada iyo Xoriyada. Waxa aynu u halgamaynay in dhaqan ka xun kii dawladii Siyaad Bare la nimaadno.

Falka Musuqmaasuq ee noocan ah waxa uu xaaraan ka dhigayaa jiritaanka Qaranimada Somaliland.

Wadamada Itoobiya iyo Jabuuti ee aynu jaarka nahay Tigrayga iyo Ciisuhu Eexda iyo sidan oo kale uma musuqaan wadooyinkii dalka iyo wajahadihii muwaadiniinta, sababtaasi waayi tan ayay uga mid noqdeen Dawladaha Caalamka halka dalkeenan NASIIBDAROOYINKA KU DHACAY ay ugu wayn tahay eexda Duqa Caasimada iyo inaadeerkii Taliyaha Booliska ah samaynayaan.

bulaale

bulaale1@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here