Saxilnews.com
Somaliland: Waan sii Wadaynaa Wada-Hadalada Somalia
February 25, 2015 - Written by admin

Hargaysa (Saxil News.com)-

Somaliland ayaa sheegtay inay sii wadayso wadahadallada u dhaxeeyay iyaga iyo dowladda dhexe ee Somaliya, inkastoo mid ka mid ah xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland u jeediyay  in la hakiyo wada-hadalladaas.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in maalinta Khamiista ee soo socota uu dib u furmi doono shirka wadahadalalda u dhaxeeyay Somalia iyo Somaliland. Wasiirka ayaa maanta shir jaraaid ku qabtay Hargeysa. Weriyaha VOA ee Hargeysa Barkhad Maxamuud Kaariye, ayaa warbixintan soo diray.

COMMENTS
Latest News