Berbera (Saxilnews.com)-Dhalinyarada Berbera Oo Kaliya Ayaa Madaxwayne Cigaal Xustay Manta Oo Ku Beegnayd Maalintii Dhintay .
Manta Waxay Ahayd 3-5-2016kii Waana lix iyo toban guuradii kazoo wareegtay wakhtigii geeridii Madaxwayne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Alle ha u naxariiste waxaana saaka laga xusay magaalo xeebeda berbera kadib markii ay is abaabuleen qaar kamid ah dhalinyarada firfircoon ee gobolka saaxil waxayna Uga Duceeyeen Qabriga Uu ku aasan yahay madaxwayne cigaal iyagoo side kalena dhir ku beeray xabaashiisa Alle ha unaxariistee
Geesta kale kamay soo qaybgalin madaxda gobolka saaxil Marka laga reebo Badhsaabka Gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed oo halkaasi ka hadlay ayaa marxuumka u uduceeyey allena uga baryey inuu qabriga unuuro
Waxaanu bulshada xusuusiyey taariikhdii dib udhiska dalka iyo kaalintii waynayd ee uu kazoo qaatay marxuum cigaal isagoo sheegay inay waajib tahay in mar walba laga qaybqaato xuska dadkii bulshada wax uqabtay
Qaar kamid ah dhalinyarada Gobolka saaxil ee isasoo abaabusahy oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa dhankooda sheegay inaanay ilaawi doonin madaxwyne cigaal iyo taariikhdiisi dheerayd ee ay ugu horaysay dhib utaagid dalka Somaliland