Saxilnews.com
Dhalinyarada Berbera Oo Kaliya Ayaa Xustay Marxuum Maxamed X.Ibaarim Cigaal Oo Ku Beegnayd Maalintii Uu Geeriyooday
May 3, 2016 - Written by admin

Berbera (Saxilnews.com)-Dhalinyarada Berbera Oo Kaliya Ayaa Madaxwayne Cigaal Xustay Manta Oo Ku Beegnayd Maalintii Dhintay .

Manta Waxay Ahayd 3-5-2016kii Waana lix iyo toban guuradii kazoo wareegtay wakhtigii geeridii Madaxwayne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Alle ha u naxariiste waxaana saaka laga xusay magaalo xeebeda berbera kadib markii ay is abaabuleen qaar kamid ah dhalinyarada firfircoon ee gobolka saaxil waxayna Uga Duceeyeen Qabriga Uu ku aasan yahay madaxwayne cigaal iyagoo side kalena dhir ku beeray xabaashiisa Alle ha unaxariistee

Geesta kale kamay soo qaybgalin madaxda gobolka saaxil Marka laga reebo Badhsaabka Gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed oo halkaasi ka hadlay ayaa marxuumka u uduceeyey allena uga baryey inuu qabriga unuuro13119035_1047636468649742_1012053292047595159_n 13174005_1047636418649747_4988716673600392823_n 13174045_1047636058649783_4316469247848850634_n

Waxaanu bulshada xusuusiyey taariikhdii dib udhiska dalka iyo kaalintii waynayd ee uu kazoo qaatay marxuum cigaal isagoo sheegay inay waajib tahay in mar walba laga qaybqaato xuska dadkii bulshada wax uqabtay

Qaar kamid ah dhalinyarada Gobolka saaxil ee isasoo abaabusahy oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa dhankooda sheegay inaanay ilaawi doonin madaxwyne cigaal iyo taariikhdiisi dheerayd ee ay ugu horaysay dhib utaagid dalka Somaliland

COMMENTS
Latest News