Hargeysa (SaxilNews):- War deg deg ah oo hada soo gaadhaya xafiiska war qabadka ee shabakada SaxilNews.com waxaa uu sheegaya in ciidamada Booliska Somaliland ay hor istageen bandhig faneed ay caawa magaalada Hargeysa gaar ahaan Hotel Crown ku qaban laheyd fanaanada Naseexo indho oo ay weheliyaan fanaaninta Saxardiid , Mukhtaar Beeroof , Iyo DG Subeer.
Waxaaana wararka ay shabakada Saxilnews.com helayso ay sheegayan in uu bandhig faneedkaas hor istaageen gudida wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland balse lama garan karo sababta rasmiga ah ee loo hor istaagay bandhig faneedkaasi
Sidoo kale wararka aanu ka helayno Hotel Crown ayaa waxaaa ay sheegayan in gabi ahaanba ay hotelkaasi isku xeereen ciidamad booliska Somaliland waxaana sidaasi lagu baajiyey bandhig faneedkaasi caawa ay fanaanada nasteexo indho ku qaban laheyd magaalada Hargeysa