Saxilnews.com
DEG DEG :- FANAANADA NASTEEXO INDHO OO BANDHIG FANEED AY CAAWA KU QABAN LAHEYD MAGAALADA HARGEYSA LAGA HOR ISTAAGAY + SABABTA .
August 13, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

 

Hargeysa (SaxilNews):-  War deg deg  ah oo hada soo gaadhaya xafiiska war qabadka ee shabakada SaxilNews.com waxaa uu sheegaya in ciidamada Booliska Somaliland ay hor istageen bandhig faneed ay caawa magaalada Hargeysa gaar ahaan Hotel  Crown  ku qaban laheyd fanaanada Naseexo indho oo ay weheliyaan fanaaninta Saxardiid , Mukhtaar Beeroof , Iyo DG Subeer.

 

Waxaaana wararka ay shabakada Saxilnews.com  helayso ay sheegayan in uu bandhig faneedkaas hor istaageen gudida wanaag farista  iyo xumaan reebista Somaliland  balse lama garan karo sababta rasmiga ah ee loo hor istaagay bandhig faneedkaasi

Sidoo kale wararka aanu ka helayno Hotel Crown ayaa waxaaa ay sheegayan in gabi ahaanba ay hotelkaasi isku xeereen ciidamad booliska Somaliland waxaana sidaasi lagu baajiyey bandhig faneedkaasi caawa ay fanaanada nasteexo indho ku qaban laheyd magaalada Hargeysa

COMMENTS
Latest News