Nairobi (saxilnews.com) – Dad kor u dhaafaya Afartan qof ayaa ku dhintay markii uu fatahay biyo xidheen ku yaala dalka Kenya.
Sidoo kale hanti ayaa ku burburtay fatahaada biyo xidheenkaasi, waxaana uu baro kiciyay tiro kale oo dad ah.
Hadaba xukuumadda Wadanka Kenya ayaa sheegtay in ay baadhintaan ku samayn doonto sababta keentay fatahaada biyo xidheenkaasi.
Biyo xidheenkan oo ku yaala Nakuru county OO 190Km waqooyi bariga kaga beegan Magaaladda Nairobi ayaa burburiyay xaafado dhan, waxaana inta la og yahay ku naf waayay 47 qof.
Warkan oo lagu baahiyay warbaahinta gudaha wadanka Kenya ayaa intaasi ku daraya in sarkaalka ugu
sareeya dhinaca booliska ee magaaladda uu shilku ka dhacay uu sheegay in baadhitaan dheer oo socon doona muddo 14 maalmood ah lagu samayn doono mashaqada dhacday.
Sidoo kale xoghayaha golaha Wasiirada wadanka Kenya ayaa socdaal ku tagay goobta uu shilku ka dhacay.