Saxilnews.com
XUKUUMADDA GAMBIA OO XARAASHAYSA BAABUUR IYO DIYAARADO UU LAHAA MADAXWEYNIHII HORE EE WADANKAASI
May 11, 2018 - Written by editor

Dawladda Wadanka Gambia ayaa qorshaynaysa sidii ay u iib lahayd baabuurtii raaxada iyo diyaarado uu iska lahaa madaxweynihii hore ee wadankaasi Yahya Jammeh.

Warkan oo lagu baahiyay wakaalada wararka ee Dalka Gambia ayaa intaas ku daraya in Iibka gaadiidkan looga gol leeyahay sidii loo yarayn lahaa daynta uu dalkaasi galay intii uu xukunka hayay madaxweynihii hore ee wadankaasi Yahya.

Madaxweynihii Hore ee wadankaasi Yahye ayaa sanadkii 1994 xukunka dalkaasi kula wareegay afganbi, waxaana sanadkii hore doorasho ka qabsoontay dalkaasi ayaa lagaga adkaaday, hasayeeshee waxa uu diiday natiijadda.

Wadamada galbeedka afrika ee Deriska la ah dalkaasi ayaa ugu hanjabay in ay xoog ku

muquunin doonaan haddii aanu natiijada u hogaaminsamin, isla markaana aanu xukunka ku wareejinin Adama Barrow.

Wax yar ka dibna waxa uu dalka uga baxay dibadda iyada oo uu madaxweyne Adama Barrow uu xukunkii sidaasi kula wareegay.

Madaxweynihii hore ee wadanka Gambia Yahya Jama ayaa kuhawlanaa sidii uu dhaqaalaha wadankiisa ugu takri fali lahaa, iyada oo ay gaajo iyo fakhri ka jireen dalkiisa.

 

COMMENTS
Latest News