Daisy Coleman: Gabadhii ku jirtay filimkii kufsiga ee Netflix oo gacanteeda isku dishay

0
17
Daisy Coleman in 2019

Daisy Coleman, oo dhibbane u ahayd weerar kufsi ah, kana soo muuqatay filimkii Netflix ee ka hadlayay tacaddiyada galmada, ayaa isdishay, sida ay kusoo warrantay hooyadeed.

Filimka ay gabadhan kasoo muuqatay, oo lagu magacaabo Audrie & Daisy, ayaa soo baxay sanadkii 2016-kii, wuxuuna noqday mid aad loo xiiseeyay sheekooyinkiisa.

Ms Coleman, oo ay da’deeda ahayd 23 sano ayaa iyadoo 14 jir ah lagu kufsaday meel xadlaf ka socotay sanadkii 2012-kii. Wuxuu falkaas ka dhacay magaalada Maryville, oo ka tirsan gobolka Missouri ee dalka Mareykanka.

Kiiskeeda ayaa noqday mid indhaha qaranka oo dhan ay kusoo jeesteen kaddib markii ay sheegtay in lagu aflagaadeeyay dhacdadaas.

Laakiin kiiskii ka dhanka ahaa wiilashii ay ku eedeysay inay kufsadeen ayaa la baabi’iyay.

Waxaa lagu soo warramay in meydkeeda la helay markii ay hooyadeed wacday ciidanka booliska.

“Waxay ahayd saaxiibkeyga ugu wanaagsanaa iyo gabadheyda cajiibka ah,” ayey tidhi hooyadeed Melinda Coleman, oo qoraal soo dhigtay barteeda Facebook.

“Waxaan u maleynayaa inay raadineysay qaab ay dhacdadan ugu ekeysiiso mid u muuqata inaan la’aanteed noolaan karo. Ma noolaan karo la’aanteed.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan ka qaadi karo xanuunkii ay dareemeysay! Waligeed kama aysan bogsoonin wixii ay wiilashaas ku sameeyeen, sidaasina caddaalad ma aha. Gabadheydii yareyd way iga tagtay.”

Ms Coleman waxay sheegtay in la kufsaday kaddib markii daroogo uu siiyay wiil 17 jir ahaa, oo lagu magacaabo Matthew Barnett, xilli ay guri xaflad ka socotay ku sugnaayeen bishii January ee sanadkii 2012-kii.

Daisy iyo hooyadeed Melinda Coleman

Qoraalka sawirka,Daisy iyo hooyadeed Melinda Coleman

Hooyadeed waxay sheegtay inay gabadheeda heshay subaxdii ku xigtay, iyadoo taalla meel cidlo ah, timaheedu ay qoyan yihiin, dharna ka qabta hal funaanad oo kaliya. Waxay intaas ku dartay in meesha looga tagay uu ka jiray qabow aad u daran.

Barnett waxaa lagu soo oogay dacwad kufsi ah, laakiin markii dambe kiiskii waa la iska laalay.

Qoyska Ms Coleman waxay ku doodeen in baabi’inta kiiska ay gacan ka geysteen siyaasiyiin awood leh oo xiriir la leh qoyska wiilka.

Barnett wuxuu qirtay in dambi uu geystay balse uusan gaarsiisneyn heer kufsi ah, laakiin eedeynta ku saabsan kufsiga ay tahay mid lasoo dhoodhoobay.

Kiiska Ms Coleman wuxuu gudaha Mareykanka ka abuuray dood la xiriirta tacaddiyada kufsiga ah ee loo geysto gabadhaha da’da yar iyo sidoo kale eedeymaha iyo aflagaaddada ay la kulmaan dhibaneyaasha noocaas ah.

Ugu dambeyntiina Ms Coleman iyo qoyskeeda waxay isaga guureen magaalada Maryville kaddib markii loo hanjabay, Iskuulkana lagu dhibay.

2016-kii ayey Daisy Coleman ka qeyb gashay filim ka hadlayay tacaddiyada kufsiga

Qoraalka sawirka,2016-kii ayey Daisy Coleman ka qeyb gashay filim ka hadlayay tacaddiyada kufsiga

Filim ay sameysay shirkadda Netflix sanadkii 2016-kii ayey kasoo muuqatay gabadhan, kaasoo lagu soo bandhigay xaqiiqooyin badan oo ku saabsan dhibaatada ay la kulmaan dhalinyarada dhibbaneyaasha ah.

Gabadh kale ee lagu matalay filimkaas, oo lagu magacaabo Audrie Pott, ayaa iyadana isdishay bishii September ee sanadkii 2012-kii, maalmo yar kaddib markii la kufsaday.

Ms Coleman ayaa garab siineysay shirkadda SafeBae, oo ah hay’ad aan faa’iido doon ahayn oo ka hortagta tacaddiyada galmada ee ka dhaca iskuullada.

Bayaan ay Arbacadii maanta soo saartay SafeBae ayaa lagu sheegay in dhammaan shaqaalaha hay’addan “ay la murugeysan yihiin geerideeda.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here