DADWEYNAHA REER BURCO OO KA QAYLIYAY SHIRKADDA MAAFIYADDA AH EE TIENS OO BURCO DHAQAALE URURSI KA WADDA + GO’AANKII CULIMADDANA TAAGEERAY.

0
27
BURCO(Saxilnews)- Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa si weyn usoo dhaweeyay go’aan Culimadda reer Burco iyo aqoonyahanku ka soo saareen Kooxo maafiyo ah oo la yidhaahdo Tiens ,kuwaasi oo sifo aan la garanayn dhaqaale urursi Burco uga waday mudooyinkii u danbeeyay.
 
 
 
 
 
 
Sidoo kale dadweynaha reer Burco ayaa Xukuumadda Somaliland ugu baaqay gaar’ahaan Wasaaradda arimaha gudaha in ay albaabadda u laabaan Shirkadani oo dawooyin aan wasaaradda Caafimaadka soo marin  dadka siisa ,dabadeed-na lacago ka qaadata ,isla markaana tidhaahda debedaha ayaanu idiin dhoofinaynaa.
 
 Cabdiraxiin Axmed Maxamed oo arintan ka hadlaaya ayaa yidhi “ Anigoo ku hadlaaya afka dhalinyaradan xaafadda Abudabay ee Burco ,waxaanu ka soo horjeed-naa kooxaha Tiens ,oo magaalada keenta daawooyin aan la garanaynin oo dadka ka iibinaaya ,waxaananu taageeraynaa baaqii culimadda gobolku ku baaqeen in Shirkadda gabi’ahaanba la xidho.Waxaanu ugu baaqaynaa xukumada madaxwayne silanyo iyo wasaradaha ay qusaysaba inay albaabada u labaan dhamaanba xafiisyada shirkada tians ee gobalka togdheer”
 
 
Sheikh Cabdilaahi Xuseen oo isna ka mid ah dadweynaha reer Burco ayaa yidhi “ waxaanu aad iyo aad u taageeraynaa barnaamijka Culimadda gobolka Togdheer ay ku baaqeen in bulshadda laga qabto dadka dawooyinkaa aan la garanayn iibinaaya ee Tiens loo yaqaan ee Burco xafiisyadda ku leh kuwaasi oo dadka xiitaa lacago ay ku sheegeen in ay dhoofinayaan ka qaata ,mida kale Shirkadani waxa u shaqeeya oo Burco lagu arkay dad dhaqan xumadda faafiya oo xaafadaha magaalada wada yaqaanaan ” ayuu Yidhi Sheikh Cabdilaahi Xuseen
 
 
 
 
C/Laahi Xuseen Kaahin Oo isna ka Mid ah Gnaacsatada Gobalka Togdheer oo isaguna dhankiisa ka hadlay dhibta iyo hagardaba ay shirkada tians ku hayso bulshada gobalka togdheer ayaa waxa ka mid ahaa hadalidisii sida tan
 
 
” Aad baanu u soo dhawaynaynaa baaqii ka soo baxay culimada gobalka togdheer waxaanu xukumada talada haysana ugu baaqaynaa inay talaabo degdeg ah ka qaado shirkada tians oo ay sharciga la tiigsato masuuliyiinta shirkadani ee gobalka togdheer,waxaanu shirkadani Tians u aragnaa inay tahay mashrucii jifoo jaq ee hore loogu dhacay shacabka reer somaliland xukumada talada haysa waxaanu leenahay umadda ka soo gaadha oo talaabo degdeg ah ka qaada” ayuu yidhi ganacsade C/Laahi Xuseen Kaahin
 
 
Ugu Danbayntii dhawaan ayay ahayd Markii uu Badhisabka Gobalka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye Uu Albabada u Laabay Dhamaanba Xafiisyadii ay Shirkadda Tiens ku Lahayd Magaladda Burco isla Markaasna Maalmo Yar ka Dib ay Masuuliyiinta Maamulka Gobalku ay Dib u Fureen Xafiisyadaasi,Waxaana ilaa iyo imika Aan la Garayn Sababta Kaliftay inuu Xafiisyadaasi ay Xidhnadaan Maalmo Yar ka Dibna Dib Loo Furo.
 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here