Saxilnews.com
Putland Iyadoo Ah Hawga Argagixisada iyo Budhcad Badeeda Maaha Inay Somaliland Ku Eedayso Waxaan Geyin
February 1, 2015 - Written by admin

Dhamaanteen iyo umada caalamkuba iyadoo ogsoon in Maamul goboleedka Somaliya ee loo yaqaan Putland uu yahay maamul yar oo macmal ah  islamarkaana isagu abaan duulaha Budhcad badeeda  iyo howga alshabaab waa nasiim daro inuu Somaliland oo qaran jira dunida laga garanaayo inay 1960-kii qaadatay xornimadii dawladnimo  uu maant maamul yar oo shalay la sameeyey  ku eedeeyo Somaliland waxay beri ka tahay , Ninka Wasiirka isku sheega ah ee warbaahinta ka sheegay hadalada deel qaafka ku ah qaranimada iyo jiritaanka Somaliand, anigu waxaan qabaa inay ka tahay fulaynimo iyo cabsidii haysay oo sii sal balaadhatay , ninkaasi wasiirka isku sheegayaa  ee u hadlay maamulka majeerteeniya  wuxuu sheegay in Somaliland xidhiidh la leedahay Al-shabaab lana saxeexatay Heshiisyo sidoo kale xeryo ciidan oo lagu taba baro ciidamada alshabaab ay ku yaaliin qaar kamida magaaloyinka Jamhuuriyada Somaliland isagoo aan soo bandhigin wax cadayna  sidoo kalena ku haftay su,aalo ay waydiiyeen warbaahinta oo ahaa cadaynta ay u hayaan balse ka jawaabi kari waayey kuna fashilmay inuu keeno cadaymo.

Hadalkaa kaa kasoo yeedhay ninkaasi  wuxuu yahay hadal layska yidhi  waayo qofku markuu masuul yahay  waliba uu sheeganayo siyaasi  wasiir ah waxaa looga baahan yahay inuu hadalkiisu miisaanado oo lahaado tab iyo xaalad hasa ahaatee waxaa ninkaasi ka muuqatay in hadalku sida toga uga soco naayyey hadalku  waliba bilaa macno ah, waxay ahayd mar haduu qaran iyo dal wax ka sheegayo inuu wax cad oo miisan leh ka sheego dunida caalamku waa od tahay Somaliland wadan geeska Africa laysku hubo nabad gelyadiisa inay tahay , Maamulka Majeerteniya dhaqaalahu wuxu kasoo gala budhcad badeeda oo ay la ogyahay inay Wasiiradooda iyo xukumadooduba kaalin ka qaataan lugna ku leeyihiin abaabulka falalka budhcad badeednimo ee aduunka ka qeyliyey ayna tahay isha koodbaad ee dhaqaalaha putland, waxaa la ogtahay inay Garoowe iyo boosaaso how u yihiin Ururka alshaab islamarkaana ay saldhig weyn ku leeyihiin Buuraha Galgala Ciimada tamarta yare e putland awood u waayeen ay ku muquuniyaan alshabaab markasta oo dagaal dhaco uu khasaaraha iyo dhimashada ugu badan uu soo gaadho putland

Putland iyaa ah Howga Argagixisada iyo Budhcad badeeda, duniduna way ka war haysaa in la doodhoobay  sagaashanyadii uu Cabdilaahi yuusuf  xiligaas ahaa ragii macmalay maamul qabiileedka , Somalidunja waxay ku maah maahdaa “ tiisaba daryeelaa tu kale ku dara” putland haday naf leedahay danteeda ayey ka shaqaysan lahayd ee qaran jira oo dadkiisii madax ilaa minjo wada ilaashanayaan  maalin kasta hadal lamay daba taagnaateen Somaliland waxaa ka filan oo keliya ka saaristii laascaanood  waa la ogyahay oo saacado nagumay qaadan  maantana hadii aan weerar ku qaadno saacad nagu qaadan mayso, waayo waxaan hubnaa cudada iyo ciidamadaya, hadii aanay fulay ahayn oo maxay marka Madaxweynaha JSL  tago Ganbada ama Laasoqoray  ay uga qaxaan magaalooyinkooda.

Somaliland waa qaran talaabsaday oo tashaday, waxaana majaraha u haya ragg muquuniyey quwadii Africa oo ku caraabiyey qori caaradii, xornimada iyo nabada maanta aanu haysanana dhayal kumaanu keenin ee dhiigaya ayaanu usoo shubnay  Somaliland odayga u weyn ilaa ka u yar  daafacaada qarankooda waa u diyaar, waayo ma nihin sida dadka garoowe iyo boosaaso u iibsadaan dhulkooda anagu uma iibsano , waxaad  waxaad ka mid ahaydeen kuwii rajiimkii siyaad bare la socday markuu na dhibaayey  mar hadii saamaxaadii aanu idin saamaxnay halkaasi idinla marayso horta waa ayaan daro.

COMMENTS
Latest News