“Dadka aan Hubays nayn Xabada nool yaan lagu ridin Xukuumaduna…..”Gudoomiyaha Wadani….

0
17

Hargeisa (Saxilnews.com)..Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilllaahi (Cirro), Guddoomiyaha Golaha wakiillada Somaliland, ahna Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka
ah ee WADDANI ayaa shalay Cisbitaalka guud ee Hargeysa ku booqday dad dhallinyaro u badan oo isku qoys ah, kuwaas oo ku dhaawacmay tacshiirad ciidamada boolisku ku rideen xilli ay ku sugnaayeen gurigooda oo uu ka socday dhisme lagu muransan yahay.

Guddoomiye Cirro, ayaa dhaawacyada intooda ladan ka wareystay xaaladdooda Caafimaad, isaga oo ILAAHAY uga baryey inuu siiyo caafimaad deg-deg ah, halka uu ILAAHAY inuu u naxariisto ugu duceeyay wiil ku dhintay shaqaaqada ay ku dhaawacmeen dhallinyarada uu Cisbitaalka ku booqday.
Guddoomiyaha oo booqashadaasi ka dib, la hadlay saxaafadda ayaa yidhi “Waxaanu Cisbitaalka ku booqanay afar dhallinyaro ah oo ku dhaawacmay dhul ku yaalla Hargeysa iyaga oo aan hubeysnayn, wiilkii dhinteyna ILAAHAY ha u naxariisto, dadkana dhaawaca ah waxaanu ILAAHAY uga baryeynaa inuu caafimaad sareecana siiyo, inaguna aynu u duceyno..”
Md. Cabdiraxmaan Cirro waxa uu xukuumadda iyo ciidamada ammaanka ugu baaqey in la dhowro shacabka aan hubaysnayn “Xukuumadda iyo booliska waxaanu ugu digeynaa in dadka aan hubeysnayn rasaas lagu rido, waana in la dhowro” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray oo uu mushkilad qaran ku sifeeyay murannada ka taagan mulkiyadda dhulka “Arrimaha dhulku waa mushkilad qaran ee waa in aad loo xallilo, shacabkana waxaanu leenahay mushkiladda dhulka sharciga ha loo raaco…”

mahamed hassan aadan

WWW.Saxilnews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here