Saxilnews.com
Maraykanka Oo Maxaabiista Ku Xidhan Guantanamo Bay U Qaadaya Xabsiyada Dalkiisa………
August 14, 2015 - Written by admin

USA (Saxilnews.com) Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ayaa eegaysa xarun militari oo ku taalla magaalada Leaveworth ee gobolka Kansas si loo geeyo maxaabiista hadda ku jira xabsiga Guantanamo Bay ee dalka Cuba.

Xarunta militariga ee magaalada Leaveworth iyo xarun kale oo ku taalla magaalada Charleston ee gobolka S. Carolina ayaa ah labada goobood ee la soo kormeerey, sida uu faray xoghayaha Gaashaandhigga ee Maraykanka, Ashton Carter. Xarunta gobolka Kansas ayaa lagu hayn karaa ilaa 50 maxbuus, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Gaashaandigga. Xiligan la jooga, waxa xabsiga Guantanamo Bay ku jira 116 maxbuus, kuwaas oo badankooda loo wareejin karo dalal kale oo lagu hayo.

mahamed hassan aadan

WWW.Saxilnews.com

COMMENTS
Latest News