Maxakmada Gobolka saaxil ayaa saaka xukuntay 7 qof oo ku eedaysanaa inay sameeyeen waraaqo iyo dhokmitiyo been abuur ah ( Foojari) kuwaasi maxkamada horteed ka qirtay inay debigaasi galeen.
Kusimaaha Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Saaxil Cabdisalaan Xaashi Cabdi ataa ku dhaqaay xukunka waxaanu ku kala xukumay .
Eedaysanaha 1-aad iyo 2-aad maxkamadu waxay ku xukuntay midkiiba 3 sano oo xadhiga ah kuwaasi oo ahaa raggii samayey been abuurka sida ay maxkamadu sheegtay .
Halka Cabdixakiin Xasan Haybe oo ahaa xidhiidhiyaha dadka iibsan jiray agabka foogariga iyo sameeyayaasha isagna lagu xukumay sanad iyo lix bilood .
Afar qof oo iibsaday kaadhadhka dhalashada oo aan dalka udhalana waxaa lagu xukumay midkiiba hal sano xadhig ah .
Waxaybaaha ay samayn jireen xukunsanayaasha ahaa kala ahaa , kaadhka dhalashada somaliland , shahaadooyinka jaamacadaha dalka , waraaqaha danbi la,aanta , waraaqaha cadaynta baqabka caafimaadka ee dhakhtarada dawladu qoraan, samaynta waraaqaha laydhka Berbera iyo agab kale oo muhiim ah sida waraaqaha dhalashada ee Somaliland .