Saxilnews.com
Ciidanka Booliska Gobolka Saraar ayaa hawlgalo ka Fuliyey Goobaha dadka reer guuraga ah kusoo buuqeen ,,
June 7, 2022 - Written by admin

Caynaba ( SN)-Ciidamada Booliska Gobolka Saraar Oo U Hogaaminayo Taliyaha Ciidankaasi Gaashaanle Sare Hassan Ismacil Yuusuf Gacmayare Ayaa Hawlgalo Lagu Adkaynayo Nabadgelyada Ka Bilaabay Deegaanada Gobolka Saraar Ee Ay Isugu Soo Guureen Dadka Reer Guuraaga Ah Ee Xoolo Dhaqatada Ah Oo Ka Kala Yimi Deegaano Kala Duwan

Deegaanadaasi Oo Ay Ka Mid Yihiin Ceel Dhaab Habariheshay Oog Bali cumar Buqdharkayn Iyo Degamo Kale

Taliyaha Ayaa Bulshada Reer Guuraaga Ah Ugu Baaqay Inay Nabad Gelyada Ilaaliyaan

Waxaana Uu Bulshada Degamadasi Degan Ugu Baaqay Inay Soo Dhaweeyaan Dadka Ka Soo Guuray Deegaanada Abaartu Ka Jirto

COMMENTS
Latest News