Daawo:-” Africa Meelo Badan Oo Ka Mid Ah Dadku Waa Ay Isku Dayaan In La Isku Baadho , Hargeysa na Sharaab Ma Soo Galino Ka Dib Markii … ” Mareeyaha Shirkada SBI

0
25
Hargeysa (SaxilNews):- Mareeyaha Guud ee shirkada Sharaabka ee SBI Mustafe Cismaan Geeleayaa waxaa uu markii ugu horeysay uu ka hadley cashuuro dheerad ah oo dawlada Hoose ee Hargeysa ay ku soo rogtey shirkada sameeya sharaabka iyo biyaha .

 

Muddane Mustafe Cismaan Geele waxaa uu si cad u sheegay in aanay macquul aheyn cashuuraha dheeriga ah ee dawlada hoose dul dhigtay shirkado ay SBI ku jirto , isla markaana waxaa kaaf iyo kala dheeri ku tilmaamay lacagtii hore looga qaadi jiray iyo tan iminka hal mar lagu soo rogay oo farqi weyni u dhexeeyo

 

Sidoo Kale waxaa uu sheegay Mareeyaha guud ee shirkada SBI in aanay shirkadu muddo 10 maalmood ku dhaw aanay Hargeysa sharaab soo galin , isla markaana baabuurtii sharabka u siday ay ku xaniban yahiin istabaha magaalada Laga soo galo

” Qaarada Africa meel badan oo ka mid ah dadku waa ay isku dayaan in la isku baadho , waana ay jirta in aan iminka sharaab magaalada aan la soo galin oo dawlada hoose cashuuro aan macquul aheyn la timid .

Markii hore 32 kun oo shilinka Somaliland ah ayaa la nooga qaadi jiray baabur kasta oo xaqul xashiish ah , mar qudhata ayey inamadii meesha joogay yidhaahdee (Malyuun iyo laba boqon iyo kun shiling ) calaa baabur halkaas soo dhiga markas kama helno , muddo toban cisho na baabuurtii istabaha magaalada laga soo galo ayey ku xaniban yahiin oo taayiradu ku balaadheen ” ayuu yidhi Mustafe Cismaan Geele mareeyaha guud ee shirkada SBI

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

https://www.youtube.com/watch?v=QtBPnGct2o4

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here