Saxilnews.com
Deg Deg Daawo :- Faysal Cali Waraabe Oo U Hanjabey Madaxweyne Farmaajo , Waxaanu Si Cad U Taagee Saldhi ga Milatari Ee Berbara Laga Dhisayo
February 13, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa (Saxilnews):- Faysal Cali Waraabe gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID oomaanta dalka dib ugu soo laabtey isaga iyo waftigii Somaliland mataalaayey ee wada hadalada kula jiray maamulka Khaatumo ayaa waxaa uu u hanjabey madaxweynaha cusub ee dalka Somaliya

” Madaxweynaha cusub ee Somaliya aniga arintayada kolba waa sida uu noola yimaado , macaan iyo qadhaadh na waanu leenahay , hadii uu qadhaadh noola yimaado sidii kii ka horeeyey ee xassan Sheekh , dee anaguna qadhaadhka ayaanu tusi doona .

Hadii sidii adeerkii xasuuqa inoo geystay maskaxdiisii oo kale ku fikiro , maanta cid inaga xoog weyni ma jirto , halka uu joogo maanta waa ku marti , xamarna waa halkii aanu siyaad bare ka wada ridney aniga ayaana kaga wadinisan ” ayuu yidhi Gudoomiye Faysal Cali Waraabe

Sidoo kale Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu ka hadley sida uu u arko waxii shalay ka dhacay golaha baarlamaanka isla markaana waxaa uu gudoomiye Saleeban ku hanbalyeeyey sidii uu shalay golaha u shir gudoomiyey oo uu ku sifeeyey in uu geesi nio muujiyey

Dhinca kale Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu difaacay saldhiga Military ee dawlada Imaaradka laga siiyey magaalada Berbera Xili malintii shalay aheyd xisbigiisu xaaran ku tilmaamay ansixintii heshiiska saldhigaasi

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News