BURCO:FADEEXADO MUSUQMAASUQ OO SOO FOODSAARAY CASHUURAHA BERIGA G/TOGDHEER IYO SARAAKIISHA ILAALINTA CASHUURAHA OO DACWAD KA GUDBIYAY MAAMULAHA CASHUURAHA BERIGA BURCO

0
31

Xogo iyo cadaymo ay rakaadnews ka helayso Xarunta Wasaarada Maaliya ee Gobolka Togdheer Gaar ahaan Laanta Cashuuraa Bariga ayaa Iftiiminaya in Musuqmaasuq baahsani ka jiro,Tan iyo intii loo Magacaabay Mamulaha Cashuraha beriga  Xuseen C/laahi Jamaac, xogaha aanu Helayno ayaa waxay iftiminayaan in maamuluhu u ku tagri falo nidaaka cashuur qaadiseed kaas oo inta badan aan ganacstada iyo shirkada ay cashuurtu ku waajibtay aan cashuurti dawalada sidii la rabay uga qaadin,isla markaana kaga gurta sifo suuq madow ah Halka kuwa cashuurta uu ka qaado  maamuluhu qayb lacagtaas ka mid ah jiwanka ugu jaro inta kalena jebka ku shubto,
Taasi waxay sababtay in Taliyaasha Ilaalada Cashuuruha ee Gobolka Togdheer
ay ka Gudbiyaan Maamulaha ashkato iyo Qoraalo ay ku socod siinayaan Wasaarada Maaliyada iyo waliba Taliyaha Guud ee Ilaalinta cashuuraha,Kadib markii ay dhawr jeer heleen Macluumaad iyo shirkado aanu maamuluhu cashuurtii ka qaadin iyo qaar kale oo uu leexsaday.
Tusaale ahaan waxaa  jira niman ganacsato ah oo iibsaday dhul ka kooban 16 guri o guri walba laga siiyay $ 75000 ,o cashuurtii lagu yeeshayna ay noqotay $1300 Markii la horkeenay Maamulka Cashuuraha Berigu uu cashuurtii ka qaadi waayay(Sidaas waxa ku cadaa mid ka mid ah Nuqulada ashkatada ah ee laga Gudbiyay Maamulaha cashuuraha Beriga ee Gobolka Togdheer) sidoo kale qoraalkan dadcwada ka dhanka ah Maamulaha cashuuraha beriga ayaa waxa ku cad ilaa shan iyo Toban shirkadood oo kuwa wax dhisa ah oo ay ku baaqatay cashuurtii laga rabay.
Isku soo wada Duuboo Laanta cashuuraha Beriga ee Gobolka Togdheer ayaa waxaa hadhaysay Musuq maasuq beryihii ugu danbeeyay kasoo  ifbaxayay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here