Saxilnews.com
Mareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera Ayaa Baryahan Danbe Ka Shaqaynaya Sidii Uu Isaga Horkeeni Lahaa Bulshada G/saaxil Iyo Xukuumada Somaliland
January 28, 2015 - Written by admin
Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera iyo Dhibaatada uu ku Hayo Shacabka Reer Saaxil
Cabdi Maxamuud Cismaan, Berbera
Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka ee magaalada Berbera Sheekh Saleebaan Siciid Cali, ayaa dhibaato iyo tacadiyo aan la soo koobi karin ku haya shacabka ku dhaqan guud ahaan Gobolka Saaxil, gaar ahaan magaalo-xeebeedda Berbera.
Maareeyaha Sheekh Saleebaan waxa uu laasimay dhibaatooyinta dadka ku dhaqan degaannada Gobolka Saaxil, kuwaas oo isugu jira been-abuur, munaafad, isku-dir, qabyaalad iyo waxyaabo kale oo la mid ah, isagoo inta badan hawlahaas u isticmaala shaadhka marwada 1aad ee qaranka iyo ka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo uu dhufays uga dhigto gabbood-fallada iyo tacadiyada joogta ah ee uu ku hayo shacabka reer Berbera, isla markaana ku duudsiyo xuquuqdooda.
Sida laga war-qabo dad badan ayaa xilalkii ay qaranka Somaliland u hayeen Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera, kuwa kale oo ay aad isugu dhowaayeen marwada 1aad iyo Madaxweynahana ay dartii ugu biireen xisbiyada mucaaradka, halka kuwa kale oo masuuliyiin ahna wadnaha farta ku hayaan inuu ka horkeeno marwada iyo Madaxweyne Siilaanyo.
Haddaba, markii uu ka soo jeestay xumaanta iyo naxliga uu kula dhex jiro shacabka reer Saaxil waxa uu haatan si toos ah u wajahay suxufiyiinta warbaahinta dawladda ee ka hawlgala gobolka sida TV-ga Qaranka, Radio Hargeysa iyo wargeyska DAWAN, kuwaas oo uu dhowrkii bilood ee u dambeeyey ku hayo hadimooyin ka mid yihiin ashkatooyin habeen iyo maalin ah, munaafaqadayn iyo been-abuur joogto ah, iyadoo dagaalkii ugu dambeeyey ee uu weriyeyaasha dawladda ka qaaday ka dhashay hinaase salka ku haya war ku saabsanaa mashaariic horumarineed oo Madaxweyne Siilaanyo xadhigga ka jaray Dekedda Berbera horraantii toddobaadkan oo Telefishanka Qaranku ka horreysiiyey mashaariic kale oo isla maalintaa Madaxweynuhu ka furay Haamaha Kaydka Shidaalka.
Waxa muuqata in Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera Sheekh Saleebaan Siciid Cali oo habeen iyo maalin shaqo ka dhigtay inuu ka shaqeeyo sidii uu masuuliyiinta iyo shacabka Gobolka Saaxil uga horkeeni lahaa marwada 1aad ee qaranka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo madaxda iyo dadweynaha gobolkaasi u hayaan taageero buuxda.
Sidaa darteed, waxa lagama maarmaan ah in masuuliyiinta sare ee qaranka Somaliland fiiro gaar ah u yeeshaan dhibaatooyinka iyo xumaanta uu Gobolka Saaxil la dhex wareegayo Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera Sheekh Saleebaan Siciid Cali.

COMMENTS
Latest News